Kolkay cadceeddii galbato dharaartuna habeen isu beddeshay ee indhaha la is-wada galiyo. Laba kastana ay laabta iyo lugaha is dhaafsadaan; isaga waxa u bilaabma muran iyo yuus. Sacadaha kooban ee ka hadhay hiirta hore ee subaxa waxaa u bilaabma su'aalo iyo naclad is barkan. Nacladda iyo guraabaska waa mid bilihii u danbeeyeyba dushiisa laga akhrisanayey. Yuuska iyo dagaalkan ka dhex aloosan nabdigiisu wa kuwa hadday dunida isu tagaan aynna waxba ka qaban karin. Caawa nacladdu si bareer ah bay uga daadanaysaa. Qofkasta oo soo agmara wuu nacladayaa. Caawa si wacan buu u jeclaan lahaa inay halkaa soo marto tii xumayd, ee uu baarka la tuman jiray, dhowr jeerna ka dacwaysay saldhigga; iyo kii xumaa eh wadaadka ahaa oo wacdiga aan u aabba yeeli jirin dhagaha kaga akhriyi jiray. Bah-yoofka, diifta iyo sarkhaanimadu waa waxa uu kaga duwan yahay bulsha waynta ku dhaqan tuulada. Waa ka dhex soocan yahay oo talaabaduu qaadaba waxaa la isku warsanayaa waakaa sarkhaankii!! Inta hadallo ka...
"Waxa kaliya ee aan odhan karo aniga ayay qeexitaan iga bixinaysa waa inaan jeclahay in aan wax barto. Waxa aan ka helaa farxad waxyaabaha cusub. Waxa aan gataa buug ka badan inta aanan akhrin karo ama dhammayn karo" ~Satya Nadella