Skip to main content

ILBIDHIQSIGII U DANBEEYEEY!


  


Caawa wuxuu maal adduun haysto wuudhaafsiisan lahaa cabbaar in laga dulqaado cidhiidhigan iyo warwarkan dul fuushan. Markasta uu is yiraahdo kursiga sariirta u dhow ku fariiso, waxaa dhabarkiisa uu kadareemaya culays sida; buur dusha laga saaray oo kale. Caawa wuu jeclaysan lahaa in malagga nafta qaada daaqadda kasoo galo, si uu nafta uu uga qaado. Wiliba wuu ku farxi lahaa. Haddaanuba u mahadcelin.


Gacmuhu dhaq-dhaqaaq way daayeen, qoortuna maba nuuxnuuxsanayso. Luguhuna tamarba way joojiyeen. Dhuuntiisa qalaylkeeda waxad is oronaysaa dhowr gu' biyo is ma arag. Caawa qof samada kasoo dhaca oo iska soo gala gurugiisa aad buu jeclaysan lahaa, si uu galaas biyo ah ugu dirsado.
   

Caawa wuxuu is waydiinayaa meeye kuwii saacadahan oo kale halkan dhalooyinka Wiskiga ah kuwada cabbi jirteen? Meeye hablihii badnaa ee gacantaada isku qabsan jiray? Meeye kuwii badnaa oron jiray xigtaynu nahay? Khasnadda sare ee maal adduun ka buuxdana caawa lugo iyo gacmo maxay u yeelan waayeen koob biya ah uun hakuu keeneen eh?!!! 
     
Xanuunkanba waxa kaga sii xun su'aalahan ka dhex yuusaya Nabdigiisa. Inta uu istiil isbiday oo qoriga sariirta qabsaday bal inuu dhaqdhaqaaqi karo isku dayey, mise marba meel buu alaalax-xaya. Inta uu dhowr talaabo dalanbaabi ah dib u baxay ayuu madax madax dhulka ugu dhacay. Waa jir daayey tamar, waa naf meel ay ka baxdo la'. Sanqadhiisa iyo dhalo u sii cuskaday sanqadheedii waxa dareemay faarah oo qolka lixdan iyo afrad dagan. Faarax, sanqadhan iyo kuwa ka daranba wuu ka maqli jiray haadan oo kale aqalka Saadiq. Wuuna ogaa in meeshan baar lagu dhillaysto tahay, balse caawa dareen baqdin baa galay. Wuxuu is waydiiyey gurigan bilaa nuuxnuuxsiga ah haddana waxka san qadhayaan. Faarah, ma jecla dadka guryahooda in la galgalo waa nin af gaaban balse caawa dareen darisnimo ah baa ka guuxaya. Albaabku maba xidhna oo xalay markii meesha lagu tumanayey baaba ugu danbaysay cid xidhitaan.
    
Waxaa dhulka sidii dameer fuuray u jiifa Saadiqa oo aad moodda in dhowr dhabi dhulka loogu tuuray. Dhalooyinka jajaban, baakadaha sigaarka iyo caleemaha qaadka guriga dhex daadsan is ma oronayo qof dareemo leh baa meeshan u soo hoyda. Saadiq! war Saadiq? .... Saadiqow? Faarah ma oga in naftani nuuxnuuxsi iyo dhaqaaq daysay. Ma oga saacadihii u danabysay in jidka kusoo jiray Malkul Mawd!. Faarah wuu ogaa guri noocan ah inanaanu Malakul Mowd waqtiba la sugayn. Waa saacidihii u danbayey ee uu sii macsaalaamyey Saadiq adduunkan, malaha caawa wuuba jeclaa in ay tiisii noqoto. Maydkan fuursan ee aan cid iyo ciirsi lahyn iyo khasnadan dhulka ku daadsan ee ciirciiraysa malaha naf laga kaxeeyo maba istaahilayn. Wuxuu dhowr jeer shaydaan ka yeersiiyey faarah "Alla ma xilli qof naf laga qaadaa? Bal eeg wuxuu la ciirciirayo hanti adduun?" Haddana in shaydaan nabdigiisa ka dhex yuusayo wuu ogaa, hadaladan noocan ah isagu ka danbeeyo. 
     
Gurigan caawa ka dib wuu nasanayaa oo dhillooyin iman maayaan; caawa kadib Sameecada muusig ah laga daari maayo; caawa kadib Wiski iyo beensal laguma cabbi doono. Saadiqna waxa u bilaabmaya dhowr daqiiqo kadib su'aalihii adkaa

Suldaan M. Abdullaahi 


Comments

Popular posts from this blog

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...

Itoobiya iyo Eritrea Is Beddelka Dhaq-Dhaqaaq ee Dhaqaale Geeska Afrika.

Qoraalkan waxan ku baahiyey bloggarkii hore iga xumaaday July 02, 2019  "Dhaqdhaqaaqa dhawaanahan kasoo cus-boonaaday xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kiciyay walaac muujinaysa sida xiriirkani uu kobcinayo isbedelka dhaqaalaha ee gobolka. Si kastaba ha noqotee, iyada oo horumar laga gaarey isbeddelka labada xidhiidh ayaa saameyn ku yeelan kara saamayn dheer ee ganacsiga, maalgashiga, Geeska Afrika, isbeddeladani waxay u badan yihiin Timaadada fog iyo Mustqabalka waxa imanaya... Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abi Axmed ayaa kor u qaadaya awoodda labada dal, tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaa jiray isbeddello horumar ah oo ka soo horjeeda xaaladda iyo nidaamka siyaasadeed ee ka jira Itoobiya. Waxaa laga yaabaa inta ugu badan ay ka mid yihiin: arimahani ay noqdeen kuwo si aad ah loola yaabay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea. Ka dib markii ay isku darsameen firfircooni darro iyo dagaal tobanaan kun oo nafood lagu waayey iyo tobanaa...

AXAD WAALAN!

Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa. Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduuny...