Skip to main content

AXAD WAALAN!


Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa.

Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduunyada wili wax ayna la ikhtiraacin baa jira, wili waxaa nool waxyaalo aan saynisyahannada iyo dadka cilmiga jidhka aqoonta leh aynna wili dhaayahooda ku arag inay jiraan, marka aad milicsato axadkaas samaysankiisa iyo dagaal ka aloosan nabdigiisa. Jeerkasta aad aragto axadkaas iyo sida dunida hadda tuulada noqotay cilmigana la ciir-ciiraysa aynna wax uga qaban karin mucjisada iyo waxyaalaha kasoo unkamaya nabdiga axadkaas.

Qofkasta oo sheeda sare kala socda wuxuu arkaa: faraxdda iyo dhoola cadaynta ka muuqata axadkaas! Ma oga mana dareensana in nolosha axadkaas si maxdi ah u kala dhantaalan yihiin. Maalmaha qaar wuxuu nabdigiisu ka sheekeeya: 'in nabdigiisa ka unkamayo dab uuna waayo cid u soo kulaal doonata'. Marar badan baan arkay laxamada iyo cododka ay sameeyaan gitaataradu amaba bin'aadamku kuwa uu gacantiisa u la tagaan; balse way ka duwan yihiin axadkan laxamada, cododka iyo hiiraalada kasoo baxaya nabdigiisa!.

Maalmaha qaar waxaa ka dhex aloonsata jidhkiisa doodo u dhaxaysa nabdiga axadkaas iyo maskaxdiisa. Waa dood dheeg kararan eexna ka buuxdo, markasta uu galka ka furato maskaxdu doodeeda waxa si maxdi ah oo aan ka qasnaan la socon u qaadaca nabdiga, isagoo carabka ku adkayna: inuu masuul ka yahay waxkasto meeshan ka socda. Inta uu afka taago si ay ka muuqata abyamid na u hadlo dhaha: "qaadi doodan waa mid jaban, meeshanna waa amar iyo maxbuus aan ciddii ku qanacsanayn ay dhabadaas ka marto, garna aan lala iman ee hadalka soo gaabi isagoo ay ka muuqata sabidda uu dhigayo xubnaha kale ee la jaarka ah.

Nuqul kamid ah Nabdi wareersan.

Comments

  1. Anoo shaah u fadhiyey iga soo hor baxday, malaha aniga iyo koobkaygii shaaha ahaa goor aanu is waydaaranay maan garanayn. Mahadsanid jaalle.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid john killer saaxiib. Magacaasi waa baxay john. Lol

      Delete
  2. Axadkaagan warwersan hana sii wareerin hhhlol.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...

Itoobiya iyo Eritrea Is Beddelka Dhaq-Dhaqaaq ee Dhaqaale Geeska Afrika.

Qoraalkan waxan ku baahiyey bloggarkii hore iga xumaaday July 02, 2019  "Dhaqdhaqaaqa dhawaanahan kasoo cus-boonaaday xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kiciyay walaac muujinaysa sida xiriirkani uu kobcinayo isbedelka dhaqaalaha ee gobolka. Si kastaba ha noqotee, iyada oo horumar laga gaarey isbeddelka labada xidhiidh ayaa saameyn ku yeelan kara saamayn dheer ee ganacsiga, maalgashiga, Geeska Afrika, isbeddeladani waxay u badan yihiin Timaadada fog iyo Mustqabalka waxa imanaya... Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abi Axmed ayaa kor u qaadaya awoodda labada dal, tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaa jiray isbeddello horumar ah oo ka soo horjeeda xaaladda iyo nidaamka siyaasadeed ee ka jira Itoobiya. Waxaa laga yaabaa inta ugu badan ay ka mid yihiin: arimahani ay noqdeen kuwo si aad ah loola yaabay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea. Ka dib markii ay isku darsameen firfircooni darro iyo dagaal tobanaan kun oo nafood lagu waayey iyo tobanaa...