Kolka aan xagga tuulada kasoo yara baxnay gaadhiguna dhaafay kaantaroolka, mid xagga danbe fadhiya ayaa kor u qayliyey isagoo leh "dareewal gaadhiga xawaaraha kordhi oo meesha naga dadaji, waa casar liiqe".
Kolkii hore cidina hadalkiisa umay jawaabin oo meesha waa la isku cusub yahay, dadka qaarkiina way mashquulsan yihiin; mid buug akhriyaya iyo mid xadhig-dhagood dhagaha ugu jiro bay isugu jireen. Mardanbe waxaa cod dheer kasoo yeeray qaybta dhexe ee kuraasta. Waa gabadh xijaaban aan se u maleeyey inay wadaad ahayd. Waxay dhowr jeer kusoo celcelcelisay "war ILAAHAY ka baqoo hana halligin" Dareewalku dhag jalaq umuu siin hadalkeedii, sababta gaadhiga waxaa ka baxaysa qasiido (mawliid) Nabi ammaan ah. Kolkii hore marka uu dareewalku hees geeyey qaylada gaadhigu way is-qabsatay oo muran baa ka dhacay, waxaana lagu heshiiyey in waxkale lagu badalo heesta. Ugu danabyna waxaa la geeyey Qasiido( nabi ammaan). Inanta xijaabka sidata hoosta ayey ka karhaysa ama dhibsanaysana baadilkan gaadhiga ka baxaya, balse ma oron karto damiyoo oo waxay ka baqaysaa su'aalo aynna tabar u ahayn in la waydiiyo sida; ma nabigaa ammaantiisa baadil ah?
Shidhka hore waxaa fadhiya wiil dhalin-yara ah gacantana ku haya buug malaha muuqiisu iila ekaaday buuggii laga qoray "How to find the true religion" inta uu dib soo jaleecay buu ku yiri gabadhii "Ilaahay wuu inoo qoray waxkasta soomaad aamsanid? "Haa, oo ma qof aan aamisanayn baa jira" de inaan dhimano iyo inkalena way qoron tahee ee iska aamus? Hadaladiisa waxaa laga dhadhan sanayaa qof shaki kaga jiro Qadarta. Malaha waxan isasa su'aalay waa qolyihii mushakikiinta ahaa. Waxaa bilaabantay dood kale oo mawduucii xawaaraha gaadhiga badashay taasoo salka ku haysa 'Qadarta iyo Arimihiisa'...
Waxa gaadhiga ku saaranahay shan qof marka laga reebo dareewalka, laba gabdhood iyo saddex nin. Odayga waayeel ah iyo aniga iyo inan ka kale ee buugga gacanta ku haya, rag ahaan waxaa na waheliya dareewalka. Odaygu waa waaya arag wakhtigiisiina u soo joogay is-badalada ka aloosan dunida iyo tan dalkaba, si xushmad ku dheehan tahayna waxaa u dhagaha la raaceyey haddaladan is-dhaaf-dhaafaya ee kala mawduuca ah!
Aniguse waxan ka ahaa daawade waxa meesha ka socda. Labada hablood mid waa tan xijaaban ee wadaadda ah halka tan kale inan curdin ah aan malaha da'da labaatannada ku qiyaasay ahayd. Waxay xidhan tahay qammaar basili ah oo madaxa u saaran iyo toob caddaan ah oo ku dhagsan, kaas oo jirkeeda banaan ka laga dheehan karo qofka isha lasii raaca. Dhowr jeer oo hore waxan indhaha ka milicsaday inanta wadaadda ah oo si xun u eegaysa inanta iyadoo leh: "bal eeg siday isu qaawisay adduunkaas wax walba wad ku arkaysaa"! Ugu danbaynna naclad Alle dusha ka huwisay!
Dooddii Qadarta waxaa dib hadal uga keenay wiilkii markii horeba su'aashan keenay. Isagoo mid kale raaciyey yirina "Bal siday isu qabsanayso noo sheeg waxkasta way qoran yihiin haddana is-ilaaliya, oo sidee qadarka oo uga badbaadi karnaa"?
Sanqadhii gaadhigaa ka baxaysay halmar bay joogsatay sidii danab dhulka kusoo dhacay oo kale. Waxaa bilaabmay amakaag iyo fajac! Haddaladan kasoo baxaya gaadhiga xaggiisa hore maaha mid loosii dulqaadan karo! Qofta uu su'aalahan waydiinayana maaha qof cilmi leh balse waxay bawsataa meelaha casharada diinta laga akhriyo, iskaddaa qadar eh kama jawaabi karto malaha lixda rukni ee iimaanka waxay kala yihiin.
Dhowr mar baan is-qabtay oo aan is-iri jawaab bixi, balse doodahaas oo kale inaan waxba laga faa'idin baan ogaa Marar badanna waan galay tanoo kaloo iyadoo dagaal kusoo idlaatay. Dareewalku buuqa meesha ka aloosan war uma hayo laba siyaabood awgood: midi waa dhawaaqa taayirka gaadhiga iyo sanqadh qasiisadada gaadhiga ka baxaysa waxaa intaa u sii dheer waa qaad baarixi ah oo saaka uu soo qaatay si uu ugu barjeeyo.
Odayga waayeelka ah diin shaqo kuma leh, balse gabay iyo dhaqan wilibana siyaasaddu u sii dheertahay waa xariif aad is-dhahyso waa barafasoor wakhtigu qabtay. Dhowr mar oo hore gabayadii silsaladdii guba ayaa edaacadda lagasoo daayey inta aanu dhaafin dareewalku wuuxu kor ugu qayliyey "war noo daa gabayga" balse looma joojin. Marar badan waan isku dhacnay odayga sababtuna waa annagoo is-xignay. Kolka uu buuriga afka galiyo baan karaahiyo iyo wanif ku bilaabaa anoo dhibsanaya urta kasoo baxaysa xaggiisa. Mararka qaarna naclad baan huwiyaa. Se Arrinta diintana meel ugama banaana uu kasoo gali karo.
Ugu danayntii gaadhigii waan ka dagnay, midba mid kale isagoo nacladayo. midba midka kale inuu isagu saxan yahay isu haysto baano soo gaadhnay magaaladii markii horaba sabata u ahayd nacaladda safarkayaga
Suldaan M. Abdullaahi
Comments
Post a Comment