Qoomiyadaha aduunka ku nool mid kasta meel ayay ka so jeddaa sidoo kale qoloba qolo ayayku abtirsataa.
Soomaali ahaan inaga qayb inaga mid ihi Carab ayay shegtaan sidaas oo ay tahayna malaha wixii lagu noqonayay inay Carab ka mid yihiin oo qowmiyadaha Afrika kuwooda madow ay kaga baxayaan
waxaa jira qodobo dhowr ah oo aynu dul istaagayno:
1. Deegaan.
2. Dhaqan.
3. Luuqad/Af.
4. Midab.
Afaratan qodob haddi mid ka mid ahi sax noqdaan 50% Carab wad ku abtirsan kartaa, bal aan mid mid u dul istaagno afaratan qodob.
1.Luuqad/Af: Soomalideenu kuma hadlno Afka Carabiga sida; Masaarida, Aljeeriyaanka, Maqribiyiinta, sudanida ... iyo wadamada kale ee Afrika oo shegta inay Carab yihiin, inaga oo Soomaali ah waxaa khaas u lenahy Af iyo lahjado somaali ah oo lagaga hadlo wadamada jaarka inala ah sida ay qayb ka mida ah Itoobiya, kiiniya, iyo Jabuuti oo iyagu asal ahaan soomaali ah.
2. Deegaan : Degaan ahaan meelaha aynu deganahy xidhiidh lama lihin Carabta ama jaarba ma nihin oo cid Carabi ku hadasha isku aag ma degno, bes yaman baa inagu so xigta xuduud ahaan iyadana xataa bad ba inoo dhaxyso oo ma jirto dhul aynu wadaagno oo wada deganahay oo ka dhici karo is dhexgal bulsho sida wadamada kale ee inagu hareeraysan. Meel Carabi degto ma jirto oo aynu ku tilmaami karno halkaas ayaa sinji inoo galaa.
fiiro gaar ah: ( waxaa jira dad badan oo Soomliya degan lakin iyagu Carab ah aan ahayn Soomaali kuwaas oo Yamaniyiin ah wana dad la garanyo inay carab yihiin oo dhaqankii carbta wata sidoo kale aan ahayn dad qarniyo ka hor yimi).
3. Dhaqanka: dhaqanka Carabta ma lihin, waxaynu lenahy dhaqan mid u dhow ama lagu tilmaami karo inuu mid Afrikaan yahy, qaabka hiddaha iyo dhaqan oo aynu aad isugu dhownahy Itoobiya ayaa ku tusinaysa inaynu nahay Afrikaan aan carab shaqo ku lahyn, wadamada carabta Afrika iyago waa la dhaqan carabtaas kale.
Tusaale:
"Suudaan oo kale waxay ku labistaan khamiiskii carabta dhaqanka u ahaa, waxay ku hadlaan luuqada Carabiga, lakin anigu waxan aminsanahy in dadkaasi yihiin dad la bedelay oo asalkoodu yahy Afrikaan.
haddi aynu eegno Ciyaraha aynu dhaqanka u lenahy iyo Fanka sida heesaha iyo xataa xagga Xoolo dhaqashada waxaynu iska shabahnaa Afrikaanka inagu dhow-dhow oo aan aminsanahy inaynu isku sinji nahany oo isku meel ka soo jeedno".
4. Midabka: Midab ahaan Carabtu waa dad inaga midab furan marka loo eego midabka Soomaalidu ledahay, waxaynu u egnahy Afrika inteda kale haba la sii kal duwanadee, wadamada Afrika ka tirsan ee carabta ahi waa kuwa u eg carabta oo midabkoodu furan yahay Soomaali ahaan waynu midab furannahy marka Afrikada kale la inoo eego laakin Bariga Afrika waxaa kuu muuqanaysa inayanu xataa isku dhiig nahay sida Xabashida, Eriteriyaanka iyo waliba sudaanida qaar ka mid ah.
bal eeg xaafad kasta oo soomaali joogto haddi laga helo dad cad waxaad arakaysaa saamiga Boqolayda (percentage) ka dadka Madow inay ka badan yihiin kuwa Cad.
taasi waxay ku tusinaysaa inanynu nahy dad aan meelna ka soo galin Carab oo jacayl aynu u qabno Carabta aynu gaadhnay heer aynu abtiris been ah inta aynu samaysano dhahno waxynu nahay Carab.!
Soomalida qaar haddi aad weydiiso xagee baynu Carab ka nahay waxay ku oranayaan odaygii aynu ka farcanay ayaa soo haajiray oo xagga yimi kadibna islaan Somaali ah guursaday, ma xuma waa daliil fican lakin su'aalo ayaa ka iman kara ay a mid yihiin:-
● Midabkii Aabeheen aynu ka farcanay maxaynu u yelan weynay? ama Boqolayda (percentage) ahaan maxaynu u arki weynay dad badan oo Carabtaas kale u eeg?
■ Odayaashi kale ee wakhtigaa jiray oo somalida ahaa dhamantood miyay dabar go'een oo Odaygaas Carabka soo hajiray ayaa wadankiiba ubadkisi kaliya ku soo hadheen?
■ odaygii aad tiraahdeen waa ka farcanay dadkiisi maxay inoo shegan wayeen oo u oran wayeen Soomaalidu waa dad naga mid ah oo wiilkayagii xaggaas naga aday ayaa dhalay?
■ haddii aad tahay qof midabkiisu furan yahay oo aaminsan inuu carab asalkiisu yahay, ma eegta dadka faamaligaaga xafadiina uun bes oo qimayn ma ku samaysa midabkoodu inuu afrikaan yahay? .
intaas kadib anigu waxaan u arkaa soomalidu inay iska indho tirayso waxa jira sababtoo ah Somaalidu waa dad aad u Midab takoor badan sida Reer Bariga shishe ee qaarada Aasiya iyo wadabada carabta iyo laatiinka qaybo ka mid ah, waxay ka cararayaan inaynu sheegano afrikaan ayaan nahay oo madowgan ayay u arkaan inuu yahay wax laga carari karo oo laga diga rogan karo sidoo kale haddi carab la sheegto aynu Afrikaanimada sidaa kaga baxayno.
Afrikaanimadu waa waxa saxda ah ee an haysano oo nahay taas bedelkeeda waxay ka dhigteen inay iska indho tiraan runta aan u arko inan laga gaban karin ee ah inaynu la dhiignahay Afrikaanka kuwa aynu isku meel ka soo jeedno ee Itoobiya iyo kuwa la midka ah.
waajiraan dad aan Soomaali ahyn oo wadanka inagula nool sida dadka lo yaqaano Cad-cadka (Shaashida) waa dad asalkoodu yahay Burtuqaal (Portugal) waa dad gumayastihii ka tagay, waa dad aan inala dhiig iyo dabeecad ahayn sidoo kale waa dad inaga midab duwan oo 90% aan Soomaali u ekayn.
Gobolada Bariga Soomaaliya waxaa ku nool qabiilo kooban oo iyguna asalkodu yaman ka so jeedo sida aan xagga sare kugu soo shegay wana dad xiliyo dhow yimi dhulkan oo aan qarniyo inala joogin, dadkaasi abtiriskooda dhow waxad ka daremysaa inay carab yihiin marka la eego awowahooda labada iyo kan saddexaad.
Gunta iyo Gunaanadka:
Qormadan yar waxaa iga keenay waxa weye dadkeena oo wixii laga dhaadhiciyaba iska qaata iyagoo aan eegin waaqiciga meesha jira.
Tusaale:
haddi manta nin siyaasi ah ama mid caan ah oo bulshadu aad u taqaano uu hadal been ah u sheego waxaad arkaysaa iyagoo aan hadlkiisa fasirin kala dhig dhigin oo aan eray eray u eegin sidoo kale xataa qimayn hadalkani macquul ahaantiisa ayaad arkaysaa iyagii oo wada jidbaysan oo hadalka qofkaasi ku dhoho u haysta ayaad markaa iyaga lagu soo dajiyay.
haddi aad u argto inaad iga ra'yi duwan tahy waxaan rajayanayaaa inaad isiin doontid faalo wixii aad igu dhaantid igu soo gudbinysid.
mahadsanidiin.
Qalinka: Dr. Sakariye Maxamed Xuseen (ZEKI TULUX)

Comments
Post a Comment