Kolkay cadceeddii galbato dharaartuna habeen isu beddeshay ee indhaha la is-wada galiyo. Laba kastana ay laabta iyo lugaha is dhaafsadaan; isaga waxa u bilaabma muran iyo yuus.
Sacadaha kooban ee ka hadhay hiirta hore ee subaxa waxaa u bilaabma su'aalo iyo naclad is barkan.Nacladda iyo guraabaska waa mid bilihii u danbeeyeyba dushiisa laga akhrisanayey. Yuuska iyo dagaalkan ka dhex aloosan nabdigiisu wa kuwa hadday dunida isu tagaan aynna waxba ka qaban karin. Caawa nacladdu si bareer ah bay uga daadanaysaa. Qofkasta oo soo agmara wuu nacladayaa. Caawa si wacan buu u jeclaan lahaa inay halkaa soo marto tii xumayd, ee uu baarka la tuman jiray, dhowr jeerna ka dacwaysay saldhigga; iyo kii xumaa eh wadaadka ahaa oo wacdiga aan u aabba yeeli jirin dhagaha kaga akhriyi jiray.
Bah-yoofka, diifta iyo sarkhaanimadu waa waxa uu kaga duwan yahay bulsha waynta ku dhaqan tuulada. Waa ka dhex soocan yahay oo talaabaduu qaadaba waxaa la isku warsanayaa waakaa sarkhaankii!! Inta hadallo kale oo dhaga hadal u badan lasii raaciyo.
Wuxuu ku maqan yahay goor-sheegta si bal u ogaado aammintii nacladda iyo dooddu inay gaadhay. wuxuu u hammuun qabaa bal naftan qiyaamaheedu u dhaceen inuu dardaaran iyo waydiin cawa huwiyo. Saacado kooban baa ka hadhay xilligay cadceedu kasoo bixi lahayd godkeedii dhulkana u qaybin lahayd ilayskeedii. Salaad, diin iyo waxkasta oo lagu tuhmayo islaanimo isago way is-daayeen. Subax walba wuxuu dhibsadaa qaylada iyo takbiirta ka agbaxda masjidka, oo kalka uu indhaha is galiyo kusoo beegmata. Kolka ay dadku indhaha kala qaadaan si ay isaga soo ridaan faralka isaga waaba goorta kaliye ee gamaanyo indhiisa yimaadaan!
Oo maxaa loola yaabayaa ma meel diin lagu bartuu waligii istaagay? Oo horta barbaarin iyo gacan qabad ma helay? Ma garanayo wax loogu manna sheeganayo inaanu tukan?
Waxay saacadduba soo dhawaato wuxuu caawa marba dhowr ilbiriqsiyo dul haahaabaa xusuusihii iyo dharaarihii kala darnaa ee uu soo maray. Wuxuu marba baal u rogayaa mid kamid ah bogagga badan ee waayihiisa, haddana baal baal dhaamana kuma jiro, wayba sii kala daran yihiin. dhibicda ilmada ee indhiisa, waxay isu daba joogaan sidii guutooyin ciidan ah oo dabada is haysta. Illaa baalkii u danabysay ay noqotay tan uu hadda haahaabayo. Dhowr jeer buu iskula dhurmay, bal adduunkan maxaa kuu yaalla oo aad ka dhex qabanaysaa? Haddana guuxa ka aloosan nabdigiisa nabdigiisa baa hor istaagayey inuu qur gooyey naftan rajada dhigtay..
Qofkasta oo sheedda sare ka eega waxaa foolkiisa laga dheehanayaa sawir aan bini-aadam ahayn. Waa naf ka gudub tay xayndaabkii insaanimada, oo isaga iyo duurjoogtu waaba isku sifo.
Saamalaylka iyo balwadaha kala duwan isagu waaba u nimco iyo naxariis uu isaga khafiifiyo dareenadan kala midabka duwan ee cadaabta u eg. Silica iyo rafaadka uu maalinba maalinta ka danbaysa la kowsanayo waxaa kaga sii daran, kumanaankan su'aalood ee isdaba jooga sidii edaacadna marba mid ku warsanaysa. Silica, rafaadka iyo wiliba ciirsi la'aanta waxaa u sii dheer midab takoorka joogtada ah. Oo ma reeruu kala garayaan? Balse, dhowr jeer waxaa dhagihiisa kusoo dhacayey qaar ku xamanaya reer uuna haybtooda iskaddaa eh magacooda garanayn.
Labadiisa waalid isagoon laba sanno gaarinba waxay ku qur baxeen dagaal u dhaxeeyey laba reer oo degaan ah. Inta wixii ka danbeeyey isaga iyo aydu isku meel bay u hoyan jireen. Maalinba maalin ka danabaysa noloshiisa way kasii daraysay illaa heer ay gaadho mid ka rajo dhigay noloshan qaabka daran suagaysana uun inta ka harsan ajashiisa. Wuu jeclaa lahaa caawa in la dhaho xisaabtaadii adduunka way kaa dhammaatay. Wuxuu inbadan ku taami jiray inay jirto meel uu naftan nasasho ku siiyo inuu helo. Balse, dareenkiisa dhowr saacado kadib buu rumoobi doonaa. Inta naftan baas la hiifayo oo loo dhaadhicinayo meel ka duwan meeshan!..
Comments
Post a Comment