Waan filayey inuu ka duwanaanayo safarkani kuwii hore. Oo sababtee baanu uga duwanaanayn? Waxad saacado yar kadib cagta dhigaysa magaaladii luulka ahayd. Magaaladii liqi jirtay qariibka. Xaruuntii kulmin jirtay Soomaali oo idil. Horta ma xasuusatadaa shan iyo toban sanno ka hor marka aad BBC ka maqli jirtay Caasimadda umadda Soomaliyeed..
Dhowr iyo toban magaalo oo aan isaga gooshay sida uu iga duwan yahay safarkan aan maanta ku tagi doono muqdisho; waa mid aanan qiyaasi karin. Malaha naftana waxan u sheegay inaana uga jawaabi karin waxa aan intaasoo hillow ah ugu hayo meel aanan ku dhalan, cid xigaal ah na iigaga horrayn..
Waxan Aadan Abdulle Cismaan cagta soo dhigay marka ay cadceeddu kusii anbanaysay godkeeda. Neecowda Xeebta liido kasoo carfaysa waxan ka dhex dareemayey anoo cirka dul haahaabaya oo aananba wili cagta soo dhigin Muqdisho.
Inta aan diyaaradda soo saarnaa waxan isku dhex baranay diyaaradda Siraad oo ka timi Ethopia soona martay Hargaysa balse Muqdisho u dhalatay. Runtii, Siraad waxay ahayd qof kaftan iyo furfurnaan eebbe wayne ku galadsaday. Quruxda iyo soo jiidashada waxay kala sinayd hablaha gayaankeed balse xoogaa bay fara dheerayd quruxdooda. Siraad, waxan sheeko wadaag noqonaba waxa saacadihii koobnaa oo aan hawada mushaaxaynay ii noqdeen dhowr sikimo. Kolka diyaaraddu soo caga dhiganaysayna siraad waanu kala halawnay. Oo Muqdisho miyaa ka waayeysaa Siraad ayaan maankayga galiyey!
Xiisihii iyo hillowgii aan u qabay Muqdisho baa iga badbatay waa sababtaan u illaaway Siraad. Inantii luulka ahayd ee safarkayga raaxadiisa kasoo bilawday diyaaradda dhexdeeda. Waxan ku tamashleeyo muqdisho anigoo markii horeba ii tirsanayd inta goobood oo muqdisho aan ku cawayn doono haddana kala doorashadoodii baa wakhti igu qaadatay. Muqdisho quruxda waxaa u sii dhiir dhalinyaro qurux badan, firfurcoon, qadariya, ixtiraamana macanaha uu leeyahay saaxiibtinimada. Ma filayo qofka cagta soo saara Muqdisho inuu magaalo kale uga sii gudbi doono.
Galabta waa tookadii aan wakhti kusoo qaadan lahaa Liido. Awalba waan jeclaa jawiga xeebaha iyo mawjadda balse meesha aan maanta ku qaadanayo waa liido oo aan muuq baahiyaha iyo edaacadaha ka maqli jiray. Waa liido oo ciirciiraysa. Waxaa dhex mushaaxaynaya barbaar quruxbadan; Hablo curdin ah, quruxda iyo farxadda ka muuqata waad dareemi kartaa Sacaadihii buuqa iyo qaylada xaafadda inay isku ilawsiinayaan.
Neecowda macaan ee kasoo baxaysa Xeebta iyo sanqadha mawjadda waa kuwa marka ay kulmaan ba samaynaya laxan jaad gooni ah aan hore dhaayo loo saarin. Waxan dareemayaa caraf aanan indhawayd arag balse jirkayga ka dhex guuxaysa. Waxan gadaashayda ka maqlayaa codod aan jaadkiisaas oo kale igu cusbayn. Dhowr mar waxan is iri bal jalleec codkan maskaxdaada ku beeray su'aalahan badan. Jalleeco xishood kuyara jiro inta aan isla jiiday baan isha bidix ku xaday. Alla! Waa Siraad? Ma dhici karto? Inta aan sidii baabuur kala wareegay baan abbaaray Afar hablood oo meel koonaha ah ku damaashadaya. Waxan hoosta ku qaadayaa tasbiix afkana ku celcelinayaa Ilaahow ka dhig Siraad. Mar la aragtii aadan dib u milicsan. Salaan baqdin iyo xishood ku jirto baan kula dul dhacay hablihii. Runtii, Ma istaahil in laga jiiro jawigaas ay qaadanayaan balse naftu way qasban tahay. Jalleeco qurux badan inanta bidix ee gabasaarta cas sidata oo markii horeba xagga badda u sii jeeday ayaa si xishood ku jiri noosoo jaleecday. Alla Siraad u ekaa? Balse siraad sidan oo dhan uma gaabna eh? Bal hubso?. Salaan qalbi furnaan iyo reer magaalnimo weheliso bay igu warceliyeen. Waxan anna ku war celiyey "walaal Siraad Soo ma tihid"? mayya! Hadal aanan jeclaysan baa kasoo yeeray inantii midig iigu xigta ee, midabka maariinka ah leh. Hadalkaba igamay sugin eh waxay hadalkeedii sii raacisay " Siraad faarax haddaa sheegayso, inantani waa walaalo. Siraadna wiig ka hor bay noqotay oo dalkii ay katimi bay ku laabatay". Salaan aanan niyadda ka jeclaysan baan ku bariidiyey hablihii. Ahmed, oo saaxiibkay ah wuu dareemay dhowr daqiiqo ka hor sida aan ugu tamashlaynayey liido inaan ahayn balse muu rabin inuu jawigaas aan hadda ku jiro wax iga waydiiyo.
Comments
Post a Comment