"Botswana"
Maxaa ka taqaanaa Dalka Butoswaana “Botswana”?
Waa waddan ku yaala bartamaha Afrika, Jamhuuriyadda Botswana waxay xornimada qaadatay 30 September 1966, iyadoo ka qaadatay mustacmiraddii ingiriiska. Dadkeedu waa 2 million badkeedu waa 582.000 sq km.
Intaanu xornimada qaadan Butuswaana 1966, waxaa ilaaliye ka ahaa British ah oo loo yaqaanay “Bechuanaland”. Waxay sidoo kale ahayd mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan aduunka.
Muhiimadda ugu wayn maaha inaan idin barayo Butuswaaana, lakiin waxan u soo qaatay waa dal ka dhabeeyey hadafkoodii markii ugu horaysay oo aan arkay aad baan ula yaabay, waddan saboola siduu kunoqday waddan la tartama caalamka manta la isugu faanayo dhaqaaalaha iyo hurumarka.
Butuswaanaa Afrikada kale maxay kaga duwan tahay? Maalintay ay gobonnimada qaateen 1966 waxay ahaayeen waddan aan wax dhaqaale ah la hayn, waxaa jiray nin qudha wax jaamacad kasoo baxay waddaankaas, maantana jamacaddoodu jamacadaha waddanka Mareekanka ah bay la tartantaa.
Waddaankaas wax jidad ah muu lahayn, maantana daabiyadkasta waxaa tagta jid laami ah oo iyagu dhisteen.
waxay xoogga saaraan sidii furaha ama waddada guusha loo maro oo ah “Waxbarashada” waxay didabadda u direen wax ka badan 40kun oo arday ah, dhammaantood waxay kusoo noqdeen waddanka, kuwaas oo waddanka kusoo celiyey waxay soo barteen.
Maanta marka loo eego itoobiya hal bil kaliya uma adkaysan karto inaanu wax soo saarin, lakiin Butuswaana wuu ka duwan yahay, sidaa 18 bilood hadday fariistaan oo ayna wax soos aarin waxay haystaan wax ay kusoo gataan rasamaal ah, waa waddankii saboolkaa ahaa waayo kayd ayey dhigteen waxay rabaan way soo gadan karaan , lacagta u taala waxay gaartay 12 bilyan oo kayd ah, intay aduunyada maalgashi ku samayeen waxay soo qaataan saa’idka u fuulaa maalgashigaas taas bay waddanka galiyaan.
Naajeeriya oo lamid ah oo ka xoola badan, Congo oo Africka ugu qanisan shilin mahaystaan waayo madaxdooda ayaa si khaldan u isticmaalay.
Is barbardhiga bal wadamadaas aan ka soo sheekeeyey iyo Bustuswaana?!!
“Cidda ku hogaaminaysa hadday Edeb yeelan waydo Waddaan kuna edeb yeelan maayo”
Butuswaana wiiilka ama gabadha tuulada ugu liita kayimi, ama kan Caasimadda jooga Isku wax bay bartaan, tuuladii waxaa laga dhisay iskuul wanaagsan oo ay dawladdu gacanta ku hayso, Macallimiinta wax u dhigaysa meel bay kasoo wada baxeen waa la imtixaamay mid walba kuumana iman hab qabiil.
Ardayga tuulada kasoo baxda markay yimaadaan casimadda waxay la tartamaan kuwa kasooo baxay caasimada oo aabayaashood wasiirada yihiin, jaamacadda tartankaasaa lagu galayaa tartaankaasana lagu kala baxayaa iyo aqoonta qof walba sito.
Madaxwaynihii u horeeyey Butuswaana "Saritse Khaama" waa ninka u horseeday maanta hurumarka ay ku talaab satay Butswana, hadalladii ugu cajiib sanaa laga hayey waxay kamid ahaa wuxuu isugu yeeray dhammaan Xildhibanadii iyo shaqaalihi dawladda wuxuu ku yiri:-
"Haddaa igu aragtaan inaan qaato wax ka kabadan mushaharkayga hala idilo, anna haddaan idinku arko musharkiina wax ka badan idinkoo qaatay waan idin dilayaa".
Saritse wuxuu diidanaa lacagta dawladda inanay ku bixin shaqaalaha dawladda ee lacagta badankeed lagu soo celiyo shacabka. Lacagta ugu badan maanta waxay ku baxdaa wasiirada iyo xildhibaanada aynu doorano lakiin Saritse khaama sidaa wuu ka duwanaa, lacagta ugu badan ee dawladda wuxuu ku bixin jiray in lagu celiyo shacabka sidii looga hurmarin lahaa (Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhisidda Laamiyo waawayn).
koolkaa eegto maanta dalkenna Somaalia barlamankiisu waa 275 iyo dhawr iyo labaataneeyo Wasiiro ah, lacagta ugu badan waxay ku baxdaa maantaa waa gawaaridooda iyo guryahooda waa wayn, lacagta dakhliga sanadkii Somali soo gashana waa waxaan aan gaarayn 500 milyan, haddaba is waydii akhriste waddanka ma waxbaa loo qabanyaa mise waa laga shaqaysanyaa?
''Kolka dadka daga meesha ay diyaar u noqdaan inay la tartamaan aduunka waxay kasbadaan in la helo hogaamiye wanaagsan oo u hur seeda hurumarka waddanka"
Saritsa Khaama Butuswaana wuxuu soo gaarsiiyey maanta meel ayna afrika gaarin.
Gobolkiisii uu caaqlika ka haa ayaa laga helay dheeman odayashii iyo qab-qablayaashii reerka waxay ku dhaheen; "maanta ayey inoogashay oo aynu dhargaynaa" Maxaa dhacay buu ku yiri markaasay ku dhaheen "sootan dheeman laga helay meeshiini", wuxuu ku yiri soo fariista bal!! war bal dhagysta waxa dhulka ku jira sideed u ogtihiin in wax ka wanaagsan meelkale laga helayo. way yaabeen!!. wuxuu yiri; "bal kawarama haddaa dhahdaan reer hebel baa iska leh gobolkan dheemankan anagaa iska leh, haddii midkawayn laga helo Gobolkale maydan doonayn inaad wax ku yeelataan taana"? waxay dhaheen horta teena aynu haysanno taana waa la yeelanaynaa illaa madaxwaynihii baanu nahay!.
Askartii buu u yeeray iga kaxeya buu yiri maalin danbana ha isoo daynina.
Shan sanno dabadeed Madaxwayne ku xigeenka oo ay ahaayeen nin ay mudda isla soo shaqaynayeen Gobolka uu kasoo jeeday ayaa laga helay afar jibaarkeed macdantii hore looga helay Gobolkiisa!! lakiin Saritsa khaama albaabka ayuu mar hore u xiray dooda anagaa leh iyo annagaa leh umaddii baa wada yeelatay wixiiba.
Markii ay waxaa soo dhan heleen wuxuu yiri Saritsa khaama; "waa in dawladdu keenta wax kastoo oo ay u baahan yihiin shacabku waa in la helaa waxbarasho tayo leh ah min tuulo illaa caasimad, iskuuladii baa laga dhigay bilaash iyodhammaan waxay u baahnaayeen Shacabku.
Ula jeedada aan usoo qaatay qisadan dheer ee butuswaana waxay tahay maxaan kaga dayan karnaa?, Halkay gaareen ma gaari karnaa?, Hogaamiyaasha ay heleen ma heli karnaa?, Shacabkoodu keenna oo kale ma noqon karaan?.
qisada Butuswaana halkan kuma soo koobi kara lakiin waad ka heli kartaa Internetka iyadoo kasii faah-faahnsan intan.
Somalia waa dhul baaxad wayn, khayraad badan leh, ku taala meel wanaagsan, haddaba waxa hortaagan maxay tahay??..
Wixii khaldan mudane waad sixi kartaa ma hubo inay wada saxan yihiin kollay bini-aadam khalad lagama waayo.
Source: Prof Abdi Ismaaciil & www.britannica.com/place/Botswana.
Qalinka: Suldaan Mohamed Abdulaah
Comments
Post a Comment