Skip to main content

MEHERKII SAAMA-LAYLKU GALAAFTAY!





    Waxa kasoo wareegtay dhowr gu' is barashadii ani iyo Luuul. Waxay ahaayeen maalmo iyo dharaaro lahaa farxado is huwan, waan ogahay qofkasta oo akhriya ama maqla sheekadayada inuu amakaab la darsi doono, balse xaqiiqdu sida aad is leedahay dhammaadka way ku soo gabagaboobmin ma noqonayso!
Luul waxay ahayd qof ilaahay huwiyey quruxdii aadamiga oo dhan, dhererka iyo indhaha waawayn, sanka qoron iyo bushmaheeda qofkasta oo dayma saara, waa mid la ashqaraaraya. Intaas waxa u sii dheer kaftanka, hadal  macaanida waxad is dhahaysaa Af-Soomaaliga iyada kaliyaa miyaa la baray. Anigu se waan ka duwanahay iyada. Waxan ahay nin ilaahay hal meel isugu keenay balwadihii adduunka yaalay oo dhan, haba sii kala darnaadeen eh. Tan ugu daran ee dadkii igu dayriyeen waa saamalaylka iyo hurdada badan. Heer aan aayaddii qur'aanka Eebbe is daba mariyey ee ahayd " Habeenkiina seexda, maalintiina shaqaysta" aniga maalintii waa i habeen, habeenkiina waa ii maalin!!! Barashadayadu waxay ahayd mid si kadis ah ku bilaabmatay, se umalayn maayo inay si kadis ah ku dhammaan doonto...

   Kafatan iyo xiise ba'an baan bilihii u danbeeyey is waydaarsanaynay, taasoo noo dheeratd hadyadaha iyo hawi badalashada aan meelaha lagu dalxiis tago ku tagaynay..
Waxay gaartay aammintii u dhici lahaa meherkayagu ani iyo luul kaas oo aan anigu u arkaayey mid deg-deg ah oo ay luul dabada ka waddo. Goorsheegtu nala balamay waa 7: 00 abaaro Subaxnimo. Waxan leeyahay caadooyin muddadii u danbaysay ani iyo Luul si Maxdi ah hadh iyo habeen isugu dhici jirnay, sababtuna wax kale ma ahayn ee waxay ahayd Saamalaylka aan naftayda uga caal la'aa muddadii iyo sanadihii tagtada ahaa!!! Goorsheegtu marka ay ahayd 9:30 barqanimo baan aniga oo aad moodid inaan xalay oo dhan garoonka Xawaadle ku ordaayey daal awadiis ah indhaha bilig kasiiyey. Falaaraha qorroxdu waa kuwa ugu dhacayey si daran sariirtayda, qofkuna hurdaba aan ladi kareen, marka ay fallaarahaasi ishiisa ku dhacaan.. aniguse hurdada awooddeeda baa ilowsiisay.. waxan judhiiba isku boobay dhowr su'aalo ay kamid ahaayeen: saaka Ayeeyo kuuma iman miyaa? Teleefanku miyuu kaa damay? Soo adigii ballanta lahaa!!! Naftaydii ayaan canaan kula dul habsaday! Imisaan kulahaa saamalaylka iskaddaa? Wakaase ka xaaxaabi! Tiigsigii aan tiigsaday moobilka waaba luul oo 20 miisikool kor u dhaafaya isoo garaacday!! Ceebay tacaal!!!!!! Bal hadalka xaggee ka bilaabaa? Maxaan dhahaa, ninkaygii waynaa ee Meherka iyo aroos adduun gali lahaa? Ninkaygii waynaa qof bini-aadam masuuliyadiisii qaadi lahaa????? Ma garanayo su'aalahaas jawaabidooda meel aan ka doono..

    Halhaleel iyo orod ku xidhay suudh aan xalay soo ammaahday, ma cadar baan ka gaarayaa! Tolow yaa shimbir iga dhiga, aan duulee! Marka aad dagdag santahay wakhtigu wuu yaraadaa, dhulkuna wuu soo ururaa! Maxaad raacin baan judhiiba maskaxdayda kusoo dhacday? Bas miyaad raacdaa? Mise Taxi? Taksiguna hadduu ku dhahayaa lacag badan keen, khushi, u haadi gaadhi fujis ah oo midab cas leh. Salaan xattaa ma karayo, si kulul baan ugu dhawaaqay erayo kulkulul oo canaan hawayn, "inana dadaji oo xawaarana ku soco garoonkii diyaaradaha igay". Inta uu yaabay buu yiri haye, walaal. Isla maanta marka uu meherkayagu dhaco waxay ku beegnayd maalintii ay ka dhoofi lahayd waddanka Luul, oo ay markii horaba Dalxiis u soo gaadhay dalkii Hooyo.......

    Nasiib darro luul way dhooftay, waxayna ka dagtay carriga Ingriiska, oo ay hadda ku nooshahay. Khaladkasta oo aan kagalay iyada waxan dusha u saaray saamalaylka baas ee cudurka iyo aafada ba'an igu haya..
Waxan sugayeyba saacaduhu way dhammaadaan, maalin cusub baa dhalata, heer uu sannad cusub iigu dhasho sugi taankii Luul. Waan faraxsanahay hadda, haa, waayo waan ilooway Luul. Marba hadday go"aansatay Luul inay si fudud noloshayda iiga saartay, waa danbi iyo khalad aan naftayda ku ciqaabo, waxan ugusii dhaganahay Luul Jacaylkeeda..

Afeef wixii aan khaladay hab-qoraalka waan ka afeefanayaa..

  • W/Q: Suldaan Mohamed Abdulahi

Comments

Popular posts from this blog

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...

Rajjo!

Saaxiib macaan suldaan..... Maxaa suldaan nolosha ku haya oo u jidaysiiyaa? Ma jacaylka? Quruxda? Buugta? Muusiigga? Mise waa ruuxda? Ruuxda ay adagtahay inaan jawaabo u helno kumanaanka shaki ee ku xeeran awgeed? Mar haddaad fariintan akhrineysid waxaan dareemayaa in jawiga guud wanaagsaneyn. Lakiin waxaan hubaa inay murugaduna ay tahay inay ku jirto nolosha qofka; si uu ugu hiloowo nabadda xasiloonida iyo nolol midab leh.. Nolosha maalin walba ma ahan mid u iftiinta hal qaab iyo isla faahfaahintii shalay, arimuhu sida ay yihiin ma ahaanayaan had iyo jeer. Wajiga koonkana waa mid gadgaddoon badan, qayb walba oo jiritaankiisa kamid ahna waa la cusboonaysiiyaa daqiiqad kasta; innaguna sidaas oo kale ayeynu nahay! Aniga, adiga iyo dhammaanteenba caalamku dib ayuu noo qaabeeyaa marwalba sida cajiinka dhoobada, wuu na shiidaa kadibna noo adkeeyaa si aan ugu soo baxno nooca ugu quruxda badan. Waa inaan la kulanaa gubasho; si ay inoo nadiifiso oo u ifno.. in la baabi'yo mugdiga ...

AXAD WAALAN!

Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa. Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduuny...