Skip to main content

QALBIGII NACASKA AHAA.




Waxa aanan ogayn, ee qalbigaygu u tiraabayo, maskaxdayduna ka warhayn, baan subax kasta bidhaan fog ka eegaa. Bal muu qalbigu mar uun hadlo, kuna tiraabo(ku dhawaaqo) tabashada iyo catowga uu la qamnanyoonaya.. bal hadduuna hadli karayn muu dareemaha jidhka u soo dhiibo fariinta. waxan akhriyey buug walba oo ka sheekaynaya qaabaynta qalbiga, bal in uun qarsoodidda iyo waxa uu qalbigu qarsado, waxan ka raadiyey bog kasta oo buugtaas ka mid ah bal hal jawaab uun aan kaga kaaftoomo, waxa uu qalbigayu jantay oo aanan ogayn. Waxan fariintayda gaarsiiyey qofkastoo aan ku tuhmayey cilmi qalbiyeed bal mar uun inay afkiisa kasoo baxdo, qalbigaagu waa noocaas iyo noocaas!!. Jawaabahooduna way is wada shabbahnaayeen dhammaantood, oo mid arxan darro iyo naxariis aan laga badhax yeelin bay wada ahayeen.. quustuba mar waa xal eh, maskaxdu ma daasho oo aminkasta waxay isku hawshaa bal arrintan soo af-meer. Bas iyo dhulba markaan ka waayey jawaabaha uu maskaxdaydu waydiinayo qalbiga, waxay noqotay mid darbi walba iskasoo xidhay. Waxanse ogsoonahay maalin maalmaha ka mid ah inaan farrinta
uu qalbigaygu qarsanayo helayo.

Farriintaydan waxan u dirayaa qof walboo sidayda oo kale ah oo leh qalbi wax jantay, wuxuu jantayna aan garanayn!!

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...

Rajjo!

Saaxiib macaan suldaan..... Maxaa suldaan nolosha ku haya oo u jidaysiiyaa? Ma jacaylka? Quruxda? Buugta? Muusiigga? Mise waa ruuxda? Ruuxda ay adagtahay inaan jawaabo u helno kumanaanka shaki ee ku xeeran awgeed? Mar haddaad fariintan akhrineysid waxaan dareemayaa in jawiga guud wanaagsaneyn. Lakiin waxaan hubaa inay murugaduna ay tahay inay ku jirto nolosha qofka; si uu ugu hiloowo nabadda xasiloonida iyo nolol midab leh.. Nolosha maalin walba ma ahan mid u iftiinta hal qaab iyo isla faahfaahintii shalay, arimuhu sida ay yihiin ma ahaanayaan had iyo jeer. Wajiga koonkana waa mid gadgaddoon badan, qayb walba oo jiritaankiisa kamid ahna waa la cusboonaysiiyaa daqiiqad kasta; innaguna sidaas oo kale ayeynu nahay! Aniga, adiga iyo dhammaanteenba caalamku dib ayuu noo qaabeeyaa marwalba sida cajiinka dhoobada, wuu na shiidaa kadibna noo adkeeyaa si aan ugu soo baxno nooca ugu quruxda badan. Waa inaan la kulanaa gubasho; si ay inoo nadiifiso oo u ifno.. in la baabi'yo mugdiga ...

AXAD WAALAN!

Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa. Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduuny...