Skip to main content

Rajjo!



Saaxiib macaan suldaan.....


Maxaa suldaan nolosha ku haya oo u jidaysiiyaa? Ma jacaylka? Quruxda? Buugta? Muusiigga? Mise waa ruuxda? Ruuxda ay adagtahay inaan jawaabo u helno kumanaanka shaki ee ku xeeran awgeed?

Mar haddaad fariintan akhrineysid waxaan dareemayaa in jawiga guud wanaagsaneyn. Lakiin waxaan hubaa inay murugaduna ay tahay inay ku jirto nolosha qofka; si uu ugu hiloowo nabadda xasiloonida iyo nolol midab leh..

Nolosha maalin walba ma ahan mid u iftiinta hal qaab iyo isla faahfaahintii shalay, arimuhu sida ay yihiin ma ahaanayaan had iyo jeer. Wajiga koonkana waa mid gadgaddoon badan, qayb walba oo jiritaankiisa kamid ahna waa la cusboonaysiiyaa daqiiqad kasta; innaguna sidaas oo kale ayeynu nahay! Aniga, adiga iyo dhammaanteenba caalamku dib ayuu noo qaabeeyaa marwalba sida cajiinka dhoobada, wuu na shiidaa kadibna noo adkeeyaa si aan ugu soo baxno nooca ugu quruxda badan.

Waa inaan la kulanaa gubasho; si ay inoo nadiifiso oo u ifno.. in la baabi'yo mugdiga waddada aan muuqan lana sii wadaa safarka Sida maalmuhu u baahan yihiin. Illaa wax waliba noqdaan kuwo muuqda, hufan oo dhalaalaya kan aan nolosha ku guban suldaanoow, wuxuu dhintaa bilaa iftiin, bilaa dhalaal iyo aad la'aan..

Marnaba ha hilmaamin balanqaadyada saaxiib. Waaan jeclahay balanqaadayada wiliba kuwa Eebbe.
"Culays walba fudayd baa ka dambeeya". Awoodda guud iyo awoodda gaar ah, cilmiga guud iyo cilmiga gaarka ah, xooog aan dhammaan iyi xasilooni joogta ah ayaan kuu rajaynayaa saaxiib..

(Waydiinta aan bilowga fariinta ku xusay jawaabta aad u hesho waxaasi wax walba ay yihiin ku dhaganow saaxiib)

Ka: saaxiibaddaa Xafsa.


Jawaabtii dhambaalka kowaad


Salaama saaxiib Hafsaay...

Ma ogtahay xafsaay su'aasha ku bilaabantay dhambaalkan aadka u quruxda badan inay buur igala cuslaatay! Haa, Aniga ayaa naftayda dib isugu noqday, oo xattaa muran badan ku abuurmay. Waxan is-ku warsaday suldaanoow horta nolosha maxaa adi kuu qaabeeya? Waxan ogaaday inaan intaba ii qaabeeyaan Nolosha. Oo sidee baana nolol aan jacayl ku jirin u noolaan lahayn, oo sideebaana muusiiggu u jeclaadeen, quruxdana waaba waxa qaabeeya nolosha. Bal kawarran caalam bilaa buugaag ah sida ay u ekaan lahayd? Hadaynaan ruuxda ka sheekayneen maba ogaaneen inaynnu jirno, inagoo og wiliba inayna ruuxda u war hayn haddana wannu is-waydiinnaa.

Xafsaay saaxiib, jawaabta halka sadar ee u horraysa ma ogtahay inay wakhti badan naftayda dib ugu celisay waxbadanna aan naftayda ka bartay oo aana hore u aqoon.. se wili intaba waanjeclahay oo nolosha way igu bilaan se midkaan kasii qaadan lahaa oo noloshu si gaar ah iigu jidaysay garan maayo.. waan dhashay anoo aan waxba jeclayn kadibna waan koray anoo isla sidii ah. Maan dooran waxbadan oo waxba ka igama waydiin waxaa ii xeeiriyey dhaqanka igu wareegsan, se naftaydu waxbay leedahay waxaas baa nolosha kuu qaabeeya ee baar, se haddana ma awoodo.

Ma ogtahay saaxiib hal su'aal inay buug dhan noqon karto? Haa, dabcan oo su'aalaha qaar baaba ka awood badan maqaal dhan oo bogog badan ah.. saaxiib nolosha waa wajiyo badantahay, waynna gadgaddoon badan tahay, qofka aan mawjadda aduunka ka talabsanna way qaaddaa oo badwayn bay gaysaa. Haa, ma rabno inaan nolosha ku qarqanno. Waxaynu rabnaa nolol dhaldhalaal leh, nolol aynnu inagu jihayno ee mid iyadu ina jihaysa ma rabno..

Saaxiib Hafsaay, nolasha kuwa aan u soo rafaadin oo aan hogag waawayn ugu soo dhicin, macanha iyo humaagga dhabta ee nolasha ma garan karaan. Haa, kuwa soo kufay ee nolosha soo ciilaysay oo xattaa ay dili gaadhay aakhrika, waa kuwa nolosha dhabta ah badhaadhaheeda qaata oo ku leda.

"Waxkasta waxay ku dhacaan sabab waxyna u dhacaan sabab" odhaahdaas waa falsaddii u gaarka ahayd josephine. (Filibiinadii jaaryadda ka ahayd guriga kuwaytiga ee marka danbe ciise dhali doonta isagoo sita laba dhalasho). Haddii aynaan asbaabta markasta agteenna ka dhacaya aynaan wax ka baran, ka baran mayno nolosha hal ciddi wax la eg amaba aan dhahee hal xabbo oo kaneeca in la'eg.

Waxan waxka bartay buugta, waa saaxiibka kaliya ee ii baray macnaha dhabta ah ee nolosha. Haa, shan sanno ka hor maan ahayn sida hadda aan ahay. Uma furfurnayn sida aan hadda ahay, manalahayn saaxiibbo badan oo adoo kale ah oo nolosha noo qurxiya. Haa, waxan ahaa qof iska nool. Maalmaha qaar waxan isku mashquliyaa sida aan waagaas u noolaa iyo sida aan hadda u noolahay inay laba adduun kala tahay. Saaxiib kuwa ballanta dadka iyo ballanta Eebbana marwalba oofiya waa kuwa baraaraha nolosha ku dul sabbeeya.

Waan dheereeyey qoraalka saaxiib ii cudurdaar. Waan kabaxay! se waxan kugu dhaafayaa "nolosha yeyna ku jihayn oo kuu doorin waxaad rabto, ee adigu dooro jihayna nolosha" Waad guulaysan waana qaacidada aan anigu naftayda kula daala dhacayo si aan mar uun anigu hoggaanka ugu qabto nolosha.
Guulayso saaxiib hafsaay...

Ka: Suldaankii miskiinka ahaa.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...

Itoobiya iyo Eritrea Is Beddelka Dhaq-Dhaqaaq ee Dhaqaale Geeska Afrika.

Qoraalkan waxan ku baahiyey bloggarkii hore iga xumaaday July 02, 2019  "Dhaqdhaqaaqa dhawaanahan kasoo cus-boonaaday xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kiciyay walaac muujinaysa sida xiriirkani uu kobcinayo isbedelka dhaqaalaha ee gobolka. Si kastaba ha noqotee, iyada oo horumar laga gaarey isbeddelka labada xidhiidh ayaa saameyn ku yeelan kara saamayn dheer ee ganacsiga, maalgashiga, Geeska Afrika, isbeddeladani waxay u badan yihiin Timaadada fog iyo Mustqabalka waxa imanaya... Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abi Axmed ayaa kor u qaadaya awoodda labada dal, tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaa jiray isbeddello horumar ah oo ka soo horjeeda xaaladda iyo nidaamka siyaasadeed ee ka jira Itoobiya. Waxaa laga yaabaa inta ugu badan ay ka mid yihiin: arimahani ay noqdeen kuwo si aad ah loola yaabay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea. Ka dib markii ay isku darsameen firfircooni darro iyo dagaal tobanaan kun oo nafood lagu waayey iyo tobanaa...

AXAD WAALAN!

Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa. Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduuny...