“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”
Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela.
Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.
Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.
Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley.
Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhagahayga ku soo ridayso uun mooyaan e, arligu wuu haawanaya.
Si ogaalkayga ka madhan, ayaa waxa hal mar si toos ah ii hor timi oo aan goorahanba maankayga ka-dhex-baadhayay—qoftii aan goor dhawayd u faraxsanaa iyada darteed. Qosolkii iyo eegmadii kalgacalku biyo-dhiggay iyo deggenaanshiyihii ay igu hor fadhiday ayaan dib ugu baholyoobaya. -Aah! Weligeed iyo waaqeed may iskala kay joogto-
Taloow, ma dad samee ayay ahayd? Mise, quruxda iyo heemaalkan anigaa dul huwiyay? Maya e, alleylehe dad samee ayay u ekeyd. Waxa aadba mooddaa in dalabka aan aanigu dhiibtay, dhan kastana aniga dookha la iga qaaday.
Ma indhaheedii waaweynaa ee cadcaddaa, dibaddna u soo baxsanayn? Mise, sunniyaha higilka ahaa ee indho-kuusha lagu sargoogay ayaan kaaga warramaa? Mise, sanqaroorkii, dhabankii can-tushka lahaa iyo ilkihii sida; dhayda ka caddaa? Shaki gelinmaayo in ay su'aalo badan maskaxdaada ku dul hoori doonnan -sida aniga oo kale-. Xag kasta oo foolkeeda loo fiiriyaaba, in ay haweenka barro dhaafsiisantahay maya'e, dhammaantood ay ka wada qurux badantahay ayuun baan ku qancay.
Meel gees ah ayaan ka fadhiyaa saaxadda dambe ee maqaayadda, koob bun ah ayaan gacanta ku hayay—darreenkeeduna uu i weheliyaa. Waa goob daggan oo cirku wuxuu ku xarragoonayaa xiddigaha midba qaabka gaarka ah ay leedahay, Cirjiidha meesha sii jiifta, Ururka aan bisha ka fogayn, Ninka la gigey ee meel halkeer ah ku tigtigan, Habaarqabaha hooyadii cirka jiiday eed ka garanayso sida foosha xun ee uu islaanta cirka u jiiday (Galaxy). Goobta dad wada faraxsan oo lammaanayaal u eeg ayaa kuwada sheekeysanaya; xaggan bidix se, waxa iga fadhiya nin oday ah oo cirradu dhakadiisa sida daruurta ay u hadhaysay, waxa uu iil eeg yahay duq nolosha nacdalaya. Xabbad sigaar ah oo aad mooddo in ay aniga ii baaqayso, iguna leedahay, "iga soo gaadh" ayuu laba farood dhexdood si arxan-darro ah ugu hayaa—si haleel ahna wuu iskaga daba gaynayaa nuugisteeda.
Hortayda meel ah oo igu beegan aadna aan iiga durugsanayn waxa soo socota inan cas oo hilboon aad se u buurnayn. Dherekeedu waa meel dhexaad; sinta ayay ka socotaa oo ay ka laafyoonaysaa, tallaabadeeduna sidii wax farriin iisoo direysa oo kale ayay iila muuqataa.
Waa taa soo dhoollacadaysay, dhankayga dambe ayaan eegay—gidaar mooyee wax kale igama dambayn. Dhinacyadayda ayaan mar kale daymo ula booday, cidna weli ma arko -aan ka ahayn odaygii-. Waa aan shakiyay; intii ay maskaxdaydu farriimaha kala hooraysay ee aan shakigga ku maqnaa -maya e, malaha waan naxsanaa- ayay i soo dul is-taagtay.
"Nabad ma sheegtay walaal?" Oo aan ka dhadhansaday in ay wax khaldan yihiin ayay igu bariidisay.
"Haa ee iska warran adigu?" Ayaa aan ugu hal-celiyay, aniga oo ammakaagsan.
"Ma fadhiisan karaa?" Ayay tidhi, iyada oo aan is martiyayn.
Degdeg ayaan kursiga uga booday, gacantaydana ku masaxay kursi i hor yaallay— sidii aan boodh ku ogaa oo kale.
"Soo fadhiiso, walaal" ayaan ku baraarugay aniga oo leh; malahayga, waa ereyada keliga ah ee maskaxdayda laga heli lahaa ilbidhiqsiyadaa aan gunnimada ku sifoobay.
Waa taa salka dhigtay ee boorso yar oo ta gacanta ahna miiska dul saartay. Xoogaa ayaannu yara kaftannay, qosol naxdin ay ka buuxdo ayaan ka wadhayaa kolba.
"Maxaad cabbaysaa?" Ayaan weyddiiyay, illeen aniga ayaa marti la ii yahay, in aan marti soorka wanaajiyana waa la iiga baahanyahay'e.
"Koob sharaab ah wax dhaafsan ma cabbi karro, walaal".
Barasho iyo xifaaltan haasaawe ku looxan yahay kadib, wali anigu iyada darteeda ayaan u mabsuudsanahay.
Waa Waris oo ah Deeqa walaasheed, laba gu' ayay hoos uga yartahay laakiin; kama dareemaysid da'da. Waxa ay ii waddaa farriin sida fallaadho la igu soo ganay, wadnahayga ugu soo kala baratamaya—Shaf, shaf, shaf!!
Waxa aad mooddaa billaawe uu cadaawe iila dhacayo -si danayn la'aan ah-. Kursigii ayaan ka soo toosay—qummaatina waan u soo fadhiistay, awoodda maqalka dhagahayga oo dhanna waan soo xaadiriyay -bal in aan maqlo warka ay sheegayso mid ka duwan-, mar uun may tidhaahdo, "waan kula kaftamayaa".
Waa anigaa dhaqaaq joojiyay ee sida maydka dhaygag iyo amakaag uun iga soo hadhay. Waan kurbanayaa dhiigguna wuu i kacsanyahay, neeftu way igu dheggantahay; wadnuhuna aad buu ii garaacayaa. Dayaanka wadnahayga ka baxaya waxa aad mooddaa— durbaankii saarka oo si darran loo tumayo.
"W A A L A G U U R S A D A Y, SH A L A Y A Y A A N A L A H O O Y A Y !"
"Farxad yahay idaa
Murugooy dayaan
Qalbiyow dillaac
Dardar gali ilmada
Durbaanada garaac
Ciilkayga daar".
-Qabyo-tire.
Waxa ay ahaayeen: ereyada kali ah ee aan maqlayo, isla jeerkaanna dhagahayga sida -hanqadhka roobka- uga dhex salalay. Ilmo ayaa sida roobka iiga soo hoortay.
Shagagagax!!!
Dhabannadaydu sida wabiga ayay u burqadeen. Waan ooyay, ilaa aan gaadhay heer oohintii ay iga dhammaatay; waan xabeebtay bogguna wuu i holcayay—dadkuna waa ay igu soo xoomeen.
"Gobkaad beeraybaa baxay aa?
Calafbaan se, kuu gelin aa?
Ninkalaa guddoonsaday aa?
Gilgishoo midhihii cunay aa?
Samir laabta gaadhsii aa?
Ka galgalo falaadh cishqi aa?!"
Waan qaboobay, oo haddana, darbad kale oo cidlo ah dareemay. Meel aanan garanahayn baa i balbashay—maya e, waan garanayay oo waa halkii ay Deeqi ka baxday, hore ayaa loo yidhi, "qof kasta halkii u darran isaga ayay balbashaa".
Warbixintan ay Waris ii sheegayso, waxa aan mooday khiyaal iyo kaftan; waan isku dhex yaacay, meel aan joogana garan waayay. Waan istaagay, dabeed socod bilaabay—saddex tallaabo kolkaan is daba dhigay, ayaan sarajoogga ka dhacay; dhulka ayaan galay sidii falaadh samada laga soo ganay.
"Qalbiyahaw dilaac
Dardar geli ilmada"
Waris ayaa labada garab i haysa—laabta ayay igu haysaa oo waa ay i aamusiinaysaa; anigu se, ma darreensani jidhkan, xanxantada badan ee xaruuriga ah iyo horraadadan hore usoo taagan—maya e, aan idhaahdo, 'laabta ay iigu salaaxayso sidii oo ay qalbigayga sii dhex xulayaan.
Wali waan maahsanahay, -qaylo dhaan ayaan dirsanayaa- cid ii ciirsi biddana waan waayay. Ma duulaa oo ma ka dul dagaa? hal mar Deeqa iyo barada ay ku nooshahay? Alla maxaan uga imi ee aan u cidleeyay? dib ayaan u gocday maalmihii farxadda iyo rayraynta aannu ku wada joognay.
Waxa aan galay maalmo ay naxriista kalgacalku aniga igu gaar yihiin; maalmo ay Deeqi hoggaanka u hayso farxaddayda iyo niyad-samidayda—aniguna aan sidii hayinka meel aan agteeda ahayn ka dheeraan kareyan. Xaq ayay u leedahay in aan u carbismo maxayeelay, iyadu waxa ay ahayd meel kasta oo ay farxadydu ka bilaabmato iyo isla halka ay ku idlaato.
La hadalkeedu waxa uu maalinkayga ka noqday waajib, aan ku ciqaab mudanayo haddii aan ka talaabsado. Waxa ay mulkiday aniga noloshaydi oo dhan, weliba ayaamo yar oo koobban gudahood. Aaah! Miyay naftaydan wax uun iigu reebto -si marka ay i cidlayso aan iskula shawro-.
Soo macaanka noloshuba—ag joogeeda ma aha? Soo niyadda may degin, qalbigayga may hannan? Soo ul iyo diirkeed waqtiyo adag iskuma aananu noqon? Soo dhiirigelin u maanu qaadan jirin 'waxa kasta oo na soo mara, sidii aanu wadajir uga gudbi lahayn'? Soo umadda oo gabbalku u dumay anaga bidhiiqyada Cadceedu noo ma ay soo bidhaami jirin?! Mooji! Laakiin, waan hubaa in ay ahayd maalmo ay farxaddu ii hooraysay.
***
Waxa ay ahayd maalin Jimce ah, gelin dambe— markaas oo aannu telefoonka ku wada hadlaynay.
"Xabiibi, caawa ma kuu imaaddaa?"
Ayaa ay cod naxariis lagu jeeni qaaray iigu tidhi.
"Haa macaan, la'aanta ma joogi karo ee i soo gaadh". Ayaa aan ku hadaaqay aniguna.
Waa aannu ballanay oo Hotel Curubo ayaa annu ku ballanay. Degdeg ayaan u booday isla jeerkii ay telefoonka dhigtayba; durba waxa aan is arkay aniga oo suudhkii bunniga ahaa -ee aan berri dhaxdaas ahayd soo iibsaday, la soo baxaya- oo shaadhkii kaawiyad ku duugaya. Waxa aad mooddaa in Jannadii iyo Aakhiro la iga casuumay—kaligayna la igu martiqaaday.
Waan booday, oo haddana, dhankaa iyo Musqushii u cararay. Waan qubaystay, oo inta aan Musqusha dhex fadhiistay xusuusteedi la i hor keenay. Kolba hormo ayaan soo dhaweeyaa, mid kalena waan sii sagootiyaa -sidii geel ceel loo soo aroorshay oo darkii biyaha kolba hormo geel ah lagu soo daynayo, in kalena laga sii saarayo oo kale-. Waan soo baxay oo waa tan salaaddii Makhrib laga baxay. Degdeg ayaan u labistay oo suudhkii aan isugu taagay. Cadar ay jecelayd dhawr jeerna ay ii keentay ayaan isaga buuxiyay—si aan xad lahayn, ileen wax walba oo ay jeceshahay ama, ay ka hesho anna waan u riyaaqayaaye.
Waan soo baxay, "alla yaa i duulsha oo hal mar i dhex geeya Hotel Curubihii badda ku dhinac yaallay" ayaan hoosta sida Faataxada uga akhristay.
Taksi ayaan fuulay "Walaal, degdeg igu gaadhsii Hotel Curubbo" ayaan ku idhi wadihii.
"Ninyahaw, ma aroos ayaad tagaysaa?" Ayuu igu soo celiyay.
"Maya, ee qof baan la kulmayaa". Ayaan ugu hal celiyay aniga oo la yaaban faduulnimadiisa; may e, malaha waxa uu la ashqaraaray qaabka isku sargo'an ee aan u labisanahay mise, waxa uu la haasaway udgoonka uu cadarkaygu ku cartamayo? Mooji! Kollay wax igu saabsan ayaa cajab geliyay darawlkan.
Taayirka ayuu rogay dhaqaaqna miciinsaday, dheereya ma aniga xiisahayga ayuu waqtigu saacidayay? Mise, diyaarad ii gaar ah ayaan saarnaa?
Waa anigan oo Curubo hor taagan; Waan soo socday oo aan soo dhex jibaaxay dadkii goobta fadhiyay, dhallinyarna u badnaa. Waxa aan gaadhay qaybta ugu shishaysa oo xeelliga badda qarka u saaran. Kursi ayaan isku kala fidiyay si deggeneenshiyo iyo hilow uu ku lammaanyahay. Waxa aan afka u jiheeyay dhankaa woqooyi oo biyihii baddu ay inyar ii jiraan.
Waa gudcur madow oo dam ah, haybadina ay ku lammaantahay; waxa dhacaysa neecow udgoon oo xareed saafi ah iyo cadarkii Deeqa oo wada socdaa ay kolba sanka si soo dhawayn iyo tartan ah ay ugu kala baratamayaan—anigu se, waxa aan door bidaa urta Deeqa aan ka dhex urinayo.
Waa goob ballaadhan, aniga iyo lammaane {wiil iyo gabadh} meel halkeer ah ka wada qoslayaa ayaa fadhina. Mawjaddaha badda ee cartamaya waxa labeeya iftiin yar oo casuusi ah mutulka aan fadhiyo ku xidhan.
In yar ka dib, waxa aan dareemay wax i jiidanaya oo dhanka galbeed ii jiidanaya. Waan jeestay oo bal jalleecay dhankaa ay wax iga baaqayaan. Qalbigaygu wuu xasilay, hilow baase labeeya iyo xiise boqolka barro dhaafiyay. Dareennadii oo dhan ayaa mar keli ah kacay, farxad aan la soo koobi karin ayaa tin illaa cidhib i saaqaday.
Waa Deeqa oo soo laafyoonaysa, isa soo walaaqaysa—labada gacmoodna wadhfinaysa. Waa tan oo sinta iyo badhida kolba dhan u lalinaysa. Waa inan ugub oo bilic iyo anshax wanaag faceed kaga foortay. Cabbayaad casaan iyo madow isku dhex daadsan ayay xidhantahay; malahayga, waa waxan maanta carrinta qalbigayga laba jibaaray? Dallad cagaar khafiif ahna way ka kor gashantahay. Wajigeeda oo kali ah ayaa goobta dhan ka ifaya, dhammaan dadka meesha fadhiya waxa aad moodda kuwii Qur'aanka EEBE-WEYNE uu ku sheegay—ee uu lahaa, *"Wajiyadoodu waa qaar madow"* iyada keedu se, wuu dhalaalayaa oo widhwidhayaa sida -dayax shan iyo tobnaad ah oo arladii oo dhan wada iftiiminaya-. Goor aan istaagay oo aan farxad awgeed qarxi gaadhay, sacabna aan ku soo dhaweeayay ayaan garan waayay. Habeenkaa sheeko iyo wakhti aad u qurux badan ayaannu wada qaadanay.
Waxa ay ugu darnayd markii aanu ka kacnay, fadhiga ee aanu u dhaqaaqnay dhankaa iyo badda. Kabihii ayaa aannu la baxnay, biyihii xeelligana lugaha la galnay.
Dhexda ayaan haystay, iyaduna garabkayga bidix ayay gacanteeda iga saartay, waan fadhiisanay oo ciidda bataaxda ahna salka dhignay. Cadarkeeda ayaa dhan walba igaga yimi oo i sakhraamiyay—cid aan iyada ahaynna ma arko. Waan ku dhawaaday oo jidhkeeda isku dhajiyay, dhaxan meel ay iiga timi aanan garanayn ayaa sida -cadaawaha- ii soo weerartay, anna waan isku sii dhajiyay—iskuma dhejin ee waan ku milmi gaadhayba.
Way igu soo dhawaatay oo laabta i galisay, dhabanka ayay iga dhunkatay iyada oo ereyo aad u macaan oo dabacsan, isla markaana qalbigayga gilgilaya dhegta ii saaraysa.
Waan qadhqadhyooday oo wax i dhex rooreen.
Hal mar ayuun baan isla booday oo dib u fadhiistay—anaga oo isku suuxsan.
"Xabiibi, yaanuu nacdalkii Shaydaanka ahaa inaga faa'ideysan ee aynu ka kacno meesha." Ayaan ku idhi.
"waa runtaa xabiibi oo dhibaato ayuun baa inagu soo fool lahayd ee inaga mari meesha" ayay ku halqabsatay Deeqina.
Cabbaar kadib ayuu mid kasta gaarkiisa u degay oo aan kala fuqnay, anaga oo isku xiiso qabna markale. Waanu neef tuurnay, sidii ruux meel dheer ka soo orday geed weyn oo hadh qabowna soo hoos galay. Dabadeed gacmaha inta ay soo fidisay ayay dhabannada iigu salaaxday oo aan sidaas kaga soo kacnay xeelligii badda.
Waa sagaalkii iyo afartan daqiiqo, waanu kacnay oo dhankaa iyo goobtii baabuurka aannu ka raacaynay u dhaqaaqnay; taksi ayaan saaray kadib aniguna dhankaa iyo gurigii ku noqday.
Aroortii ayaan iska shaqo tagay, muddo saddex cisho ah ma arag mana maqal. Waan u xiisay oo u boholyoobay, waan tabay oo aan u ololay sidii hal iyo nirigteedii is waayay oo kale. Waan seexan wayay oo hurdoba igu soo dhici wayday, dhuuni afkaa ma saarin, oo dhan walba diiday.
Faylasuufkii waynaa ee Plato ayaa laga haya,
"taabashada jacaylka qof walba waxa u noqdaa gabyaa." Aniguna waa anigaa heeso calaacal ah iyo geeraarro is daba dhigay, haddana masaxa ee waraaqaha dhammantood guba.
Gub waxaad ka haysatay aa?
Gaas iyo kibriid ku shid aa?
Gabadhaa ha naawil aa?
Dareenada qaar ereyada ayaa culuayskooda qaadi kariwaaya, markaas ayay aamusnidu isku duubtaa. -Khawla Rashiid.
Weedhkasta kasta oo qalbiga ka soo go'ada lama gudi karo, ilaa mid isaga u dhigma Maskaxda laga soo jaro. Waa in kafaddaha kalagacaylku ay miisaanka saaraan, markaas uun baa xaqiisa la gudi karaa.
Marar badan, waxaa dhacda in aad samayso wax aadan doorasho u lahayn misana, aan ciddi kugu khasbayn. Arrin igu tigtigan oo sida oofta feedhahaga igaga mudan aan iska fujiyo—idaa aan hadlo e. Waan dareensanahay ina aan ambad ahay oo aan badwayn jacayl iyadoo Maskaxdu aanay ila tashan aa ku ambday; se, yaa i ambiyay?
Waris ayaa gaadhi isoo saartay, oo dhabteeda aan ku jiifaa sidii qof baaralays ku dhacay, waan ooyayaa ilamada qofkii iga tirilahaydna waan waayay. Waan cidlooday qofkii ii wehel yeeli lahaydna waan waayay.
Waxa aan soo xasuustay filinkii Mohabatein ee Shahru Khan iyo Ashweriya Rai ay wada jilayeen; waxa aan soo xasuustay odhaahdiisii ahayd "jacaylkan laguu sheegayaa waa sida nolosha oo kale, qasabna ma aha markasta in ay ku siiso farxad ama waddo adiga kuu gaar ah oo aad wax walba ku samaysan karto."
Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.
Gurigayagii ayay i hor keentay; kadib, aniga oo aan lahayn lugo aan isku taago oo sida curyaanka kolba dhan u liicaya ayaan iridda soo gaadhay, dhulku wuu ila wareegayaa, madaxuna wuu iga waynaaday oo culayskiisa ayaan sidi kari la'ahay.
Gambaleelka guriga ayaan yeedhiyay dabadeed waan galay. Qolkaygii oo aad mooddo in uu si iila xusayo murugada iyo uur ku taallada—kala daadsanaan baahsanna ay ka jirto iyo sariirtii oo iyadu i nacdalaysa, mooddana in ay igu tiiqtiiqsanayso- ayaan soo gaadhay.
waan gataati dhacay oo dhabarka u jiifsaday. Taaha, jibaadka iyo reenka iga baxaya ayaa marba marka ka damaysa sii xoogaysanayay!
U murugoon maayo in aan ku arki waayay, sababta oo ah; haddii ay labadeeni indhood is arki waayeen, macnaheedu ma ah in aanan kula kulmi karin; taa beddelkeeda, markasta oo aan kuu baahdo—waxa aan kugu la kulmaa Caalamaka Riyooyinkayga {dunni aad ka tahay boqorad}.
Haddii ay geeridu kedis ii gu timaado -oo aan kula kulmi waayo-, ha iloobin in ay riyadaydii ugu dambaysay ahayd—sidii aan kuu la kulmi lahaa.
Maxaad ii cidlaysay soo kuma aynaan ballamin in aynu nolosha inteeda hadhay oo dhan aynu isu wehel yeelno!!
W/Q: Aw Same Gahayr
Email:osamag4397@gmail.com
Kaltirsiga: Febraayo 04, 2021.
Comments
Post a Comment