Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2020

AXAD WAALAN!

Laxanka iyo cododka kala duwan ay maalmaha qaar isku marxabbeeyaan nabdigaygu waa mid ashqaar leh! Jeer aad dhahayso luuqaddan ka dhex yeeraysa nabdigaaga waa mid cusub oo aan jaalkeeda oo kale dunidan hore loogu arag. Qofkasta oo mar is dhaha bal milicso cododkan iyo laxankan meelaha fog kasoo anbanaya waa mid uu layaabi doono, dhagihiisana ayna sii xamili karayn. Mararka qaar waxad is dhahaysaa axadkan quruumaha ku dhexnool ma mid isaga loo gaaryeelay baa, mararka qaarna saddexda qul walleh iyo faatixada baad iskula guryamaysaa, si aadan dhowr sikimo oo kamid ah wakhtigaaga aadan ugu dhexnoolaateen, mucjisooyinka is huwan ee kasoo baxaya nabdiga ruuxan aad mooda rooxaan kun qarni noolaa waa mid fajac ku abuuraysa makhluuqa. Baryihii danbana dhoohanaantiisa iyo miyir-maqnaashihiisu xadhkaha waa kuwa goostay, mararka qaar aad u malaynayso inuu kooxyo rooxaan ah oo jidgooya loo dhigtay inuu u garqaadayo. Diifta iyo bay-yoofka ka dhex guuxaya nabdigiisa waa kuwa la is oron karo aduuny...

QALBIGII NACASKA AHAA.

Waxa aanan ogayn, ee qalbigaygu u tiraabayo, maskaxdayduna ka warhayn, baan subax kasta bidhaan fog ka eegaa. Bal muu qalbigu mar uun hadlo, kuna tiraabo(ku dhawaaqo) tabashada iyo catowga uu la qamnanyoonaya.. bal hadduuna hadli karayn muu dareemaha jidhka u soo dhiibo fariinta. waxan akhriyey buug walba oo ka sheekaynaya qaabaynta qalbiga, bal in uun qarsoodidda iyo waxa uu qalbigu qarsado, waxan ka raadiyey bog kasta oo buugtaas ka mid ah bal hal jawaab uun aan kaga kaaftoomo, waxa uu qalbigayu jantay oo aanan ogayn. Waxan fariintayda gaarsiiyey qofkastoo aan ku tuhmayey cilmi qalbiyeed bal mar uun inay afkiisa kasoo baxdo, qalbigaagu waa noocaas iyo noocaas!!. Jawaabahooduna way is wada shabbahnaayeen dhammaantood, oo mid arxan darro iyo naxariis aan laga badhax yeelin bay wada ahayeen.. quustuba mar waa xal eh, maskaxdu ma daasho oo aminkasta waxay isku hawshaa bal arrintan soo af-meer. Bas iyo dhulba markaan ka waayey jawaabaha uu maskaxdaydu waydiinayo qalbiga, waxay noqo...

MEHERKII SAAMA-LAYLKU GALAAFTAY!

    Waxa kasoo wareegtay dhowr gu' is barashadii ani iyo Luuul. Waxay ahaayeen maalmo iyo dharaaro lahaa farxado is huwan, waan ogahay qofkasta oo akhriya ama maqla sheekadayada inuu amakaab la darsi doono, balse xaqiiqdu sida aad is leedahay dhammaadka way ku soo gabagaboobmin ma noqonayso! Luul waxay ahayd qof ilaahay huwiyey quruxdii aadamiga oo dhan, dhererka iyo indhaha waawayn, sanka qoron iyo bushmaheeda qofkasta oo dayma saara, waa mid la ashqaraaraya. Intaas waxa u sii dheer kaftanka, hadal  macaanida waxad is dhahaysaa Af-Soomaaliga iyada kaliyaa miyaa la baray. Anigu se waan ka duwanahay iyada. Waxan ahay nin ilaahay hal meel isugu keenay balwadihii adduunka yaalay oo dhan, haba sii kala darnaadeen eh. Tan ugu daran ee dadkii igu dayriyeen waa saamalaylka iyo hurdada badan. Heer aan aayaddii qur'aanka Eebbe is daba mariyey ee ahayd " Habeenkiina seexda, maalintiina shaqaysta" aniga maalintii waa i habeen, habeenkiina waa ii maalin!!! Barashadayadu waxay a...

ISIR RAADINTA SOOMAALIDA

Qoomiyadaha aduunka ku nool mid kasta meel ayay ka so jeddaa sidoo kale qoloba qolo ayayku abtirsataa. Soomaali ahaan inaga qayb inaga mid ihi Carab ayay shegtaan sidaas oo ay tahayna malaha wixii lagu noqonayay inay Carab ka mid yihiin oo qowmiyadaha Afrika kuwooda madow ay kaga baxayaan waxaa jira qodobo dhowr ah oo aynu dul istaagayno: 1. Deegaan.  2. Dhaqan.  3. Luuqad/Af.  4. Midab. Afaratan qodob haddi mid ka mid ahi sax noqdaan 50% Carab wad ku abtirsan kartaa, bal aan mid mid u dul istaagno afaratan qodob. 1.Luuqad/Af : Soomalideenu kuma hadlno Afka Carabiga sida; Masaarida, Aljeeriyaanka, Maqribiyiinta, sudanida ... iyo wadamada kale ee Afrika oo shegta inay Carab yihiin, inaga oo Soomaali ah waxaa khaas u lenahy Af iyo lahjado somaali ah oo lagaga hadlo wadamada jaarka inala ah sida ay qayb ka mida ah Itoobiya, kiiniya, iyo Jabuuti oo iyagu asal ahaan soomaali ah. 2. Deegaan  : Degaan ahaan meelaha aynu deganahy xidhiidh lama lihin Carabta am...

Dalkii Saboolka Ahaa Ee Isu Baddalay Dheemantii Africa!!

                   " Botswana" Maxaa ka taqaanaa Dalka Butoswaana “Botswana”? Waa waddan ku yaala bartamaha Afrika, Jamhuuriyadda Botswana waxay xornimada qaadatay 30 September 1966, iyadoo ka  qaadatay mustacmiraddii ingiriiska. Dadkeedu waa 2 million badkeedu waa 582.000 sq km. Intaanu xornimada qaadan Butuswaana 1966, waxaa ilaaliye ka ahaa British ah oo loo yaqaanay “Bechuanaland”.  Waxay sidoo kale ahayd mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan aduunka. Muhiimadda ugu wayn maaha inaan idin barayo Butuswaaana, lakiin waxan u soo qaatay waa dal ka dhabeeyey hadafkoodii markii ugu horaysay oo aan arkay aad baan ula yaabay, waddan saboola siduu kunoqday waddan la tartama caalamka manta la isugu faanayo dhaqaaalaha iyo hurumarka. Butuswaanaa Afrikada kale maxay kaga duwan tahay? Maalintay ay gobonnimada qaateen 1966 waxay ahaayeen waddan aan wax  dhaqaale ah la hayn, waxaa jiray nin qudha wax jaamacad kasoo ba...

Itoobiya iyo Eritrea Is Beddelka Dhaq-Dhaqaaq ee Dhaqaale Geeska Afrika.

Qoraalkan waxan ku baahiyey bloggarkii hore iga xumaaday July 02, 2019  "Dhaqdhaqaaqa dhawaanahan kasoo cus-boonaaday xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kiciyay walaac muujinaysa sida xiriirkani uu kobcinayo isbedelka dhaqaalaha ee gobolka. Si kastaba ha noqotee, iyada oo horumar laga gaarey isbeddelka labada xidhiidh ayaa saameyn ku yeelan kara saamayn dheer ee ganacsiga, maalgashiga, Geeska Afrika, isbeddeladani waxay u badan yihiin Timaadada fog iyo Mustqabalka waxa imanaya... Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abi Axmed ayaa kor u qaadaya awoodda labada dal, tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaa jiray isbeddello horumar ah oo ka soo horjeeda xaaladda iyo nidaamka siyaasadeed ee ka jira Itoobiya. Waxaa laga yaabaa inta ugu badan ay ka mid yihiin: arimahani ay noqdeen kuwo si aad ah loola yaabay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea. Ka dib markii ay isku darsameen firfircooni darro iyo dagaal tobanaan kun oo nafood lagu waayey iyo tobanaa...