Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Waa abbaaro afartii subaxnimo. Waxaa dhacay eedaankii hore oo wali lama aqiimin. Waxaa soo yara badnaanaya jabaqda iyo sawaxanka dadka, oo dadku gammaanyadii way kasoo wada tooseen badankood. Saacadahan oo kale waxaa socda oo aad lugta iskusii darsanaysaan hooyo jarmaadsan oo quudkii maanta soo shaqaynaysa, shiikh taabacayo oo safka hore ka gaadhaya iyo xayraan caawa dhan qayilayey oo aad indhiisa ka dareemayso gammaanyo. Noloshu waa safar uun. Kol aad subax kacdid oo aad shaqo tagtid waxad u safartay shaqo; iyo kol aad waxbarasho u kalahdo oo aad safarkaas gasho. Balse saaka wuu ka duwan yahay safarkaasi kuwaas oo dhan. Waxan u baqoolayaa magaaladii aan ku dhashay kuna barbaaray. Waxan u qabaa hilow iyo kalkacayl aragtideeda, waana ka dagi doonaa dhowr saacadood oo aan jidka kusii jiro maahee. Badanaaba safarka waxan isku sii lug darsan jirnay asxaab ama qaraabo, balse maanta waxaa igu wehiliya SAF...
Brian Tracy waa qoraa iyo khudbeeye ku xeel-dheer culuumta horumarinta aadanah. Wuxu qoray in ka badan toddobaatan buug oo badi ku saabsan qofka iyo sidii uu horumarin lahaa awoodihiisa iyo sidii ay noloshiisu u noqon lahayd mid midho-dhal leh. Buugtiisaa waxa ugu caansan `Cilmu Nafsiga Iibinta`, `Mucjisaadka Naf-edbinta`, Cilmu nafsiga yool xaqiijinta`, iyo qaar kale. Buuggan `Eat That Frog` wuxu ku saabsan yahay daawaynta dibudhigashada iyo sidii uu qofku wakhtigiisa uga faa’iidaysan lahaa. Wuxu anfacayaa qof kasta oo raba in uu wakhtigiisu midho-dhal yeesho si ay noloshiisu u noqoto mid midho-dhal leh oo uu mahadiyo. Cunwaanka buugga ee `Eat That Frog` wuxu ka yimi odhaah uu yidhi Mark Twain oo macnaheedu ahaa: Haddii waxa ugu horreeyaa ee aad samayso arroor kasta marka aad soo kacdo ay tahay inaad cunto rah, maalintaada waxaad ku dhammaysanaysaa adigoo og in aanay ku qabsanayn arrin ka adag rah cuniddii. Rahaa waxa looga jeedaa hawsha ugu wayn, uguna muhiimsan ee ku hort...