Galabta wuxuu u soo baxay bal si uu ugu nasto qolkii yaraa ee uu maxbuuska ku ahaa. Afartii gidaar ee nuuradda cadayd ku wareejisnayd qaati buu ka istaagay iyo jiingaddii xumayd ee daxashay. Waxa uu daawanaya quruxda cimilada iyo isbedelka jawigu samaynayo. Wuu ku daalay qolkii yaraa ee aad moodi jirtay qol shaydaan ku lagdamo. Wuxuu aad ula dheegag san quruxdan ay cimiladu isku marxabaynayso. Dabeecaddu waxay inagu bishaa farxad ayuu hoosta kaga nuuxsanaya, se badanka dadka ma garawsana ayuu haddana sii raaciyey gunuunixiisii.
Waxaa u daaran heestii Saynab Cige "Kala Dooro Waayaha". Gacanta bidixna waxa uu ku haystaa midh sigaaro oo uu isku dhaafinayo cidlada meesha.Horaba waxay indhahiisu qabanayaan qof muuqiisu u jiro dhowr mitir, una soo socda xagga uu taagan yahay. Waxay indhahiisu sida jugta danabka oo kale halmar ugu dhacay laabta (xabadka) qof aanan wili foolkiisa (wajigiisa) sifiican u muuqan. Waa qurux lagu ladhay qurux, waa jidh kuusan iyo caman aad mooddo buufin. Waxad layaabaysaa qofka sii jeedkiisa, sidoo kale Indhahan waawayn iyo timahan dhaadheer ee dhabarka ka dhacay badhidana ku toosan, waa kuwa qofku marka uu sheedda sare ka arko la sambabakhayo. Waxay sidataa goono malaha midab uu ku tilmaamuu la'yahay sida ay u qurux badan tahay, gabasaar yar oo ay timahan dhaadheer dul saaranna way sidataa. Waxay sidataa buug oo ay labadeeda miskood ku haysaa. Socod dagan oo ashqaraar leh bay ku laafyoonaysaa sidii in dhulku inuu sanqadh daayey oo kale. Marbaad is ron dhulka miyuu la yaabay axadkan quruxdiisa. Wuxuu is waydiinayaa makhluuqan ma mid gaar loo sameeyeybaa mise indhihiisa ayaa istusaya waxaan jirin!
Inta aynna u soodhawaan quruxdan cagaha leh ee soconaysa waxa u dhowr jeer iskula warramay hadalladii uu oron lahaa qofkan uu kala garan la'yahay xuurul cayntii jannadda iyo inuu yahay qof caalam kale ka yimi.
Su'aalo cantara baqashaoo sheeko dila ah baad la hortagi doontaa axadkan Jannada kasoo xagaabaxay ayuu iskula dhurmayaa. Kolka aad qof dhedig ah shukaansi is waydaaranaysaan waa adigoo jidkii siraad ku soconaya allayle, kana fakaraya ma ka dhacaysaa mise waad dhaafaysaa. Raggana waaba meesha ay ku kala haraan halkaasi. Waase filayaa inay reer magaal noqoto oo iyara fahanto ayuu yidhi inta uu hal nakhas kajiiday xabaddii uu gacanta ku hayey.
Salaan uuna indhawayd cid salaamin baa halmar kasoo baxday dhuuntan qalalan ee qiiqa midha sigaarka ah ka bulaamaysa.
"Asc, walaal"
"Wcs, walaal"
"Magacaa, quruxey"? ayuu haddana ku tuuray.
"Samsam, adna?"
Isaga oo neefta tuuraya ayuu yidhi:
"Ahmed baa la i dhahaa, se dadka waxay iigi wacaan deeq"
"Deeq baan anna kuugu wicin kaas baa qurux badan" inta ay tiri bay sii raacisay qosol yar oo qabow sidii irbadda kaaga dhexbaxaysa.
Hadalba waakaas is-taagay oo jeegada xoqxoqday Ahmed. Kolkaas uun bay tiri "malaha hees baad dhagaysan oo waa adiga xadhiga(Eerfoon) sitee? Oo heestee weeye bal inaan garto?" Kolkaas buu inta uu dib u baxay gacanta ku bakhtiiyey midhkii uu cabayey kadibna ku yidhi: "Suugaanta miyaad jeceshay? Waxan dhagaysanayaa Saynab Cige heesteedii "kala dooro..........”! "sug! anaa ku darayee" bay tidhi iyadoo hadalka ka boobaysa "……..waayaha" Soomaha? Mise waan khalday, Deeqow”? Su'aashiisiina jawaabtii sii raacisay "oo Deeqow, qof aan Suugaanta jeclayn miyaa jira? Anigu waxan ku noolahayba waa fankeennii quruxda badnaa ee ay inoo hadyeeyeen jiilkii inaga horreeyey. Waxa kaliya aan ku ammaanayo waa inay dhaxal raad kuleh naftayda iiga tageen" ayey tidhi.
"Buuggaas aad gacanta kusidata maanu ahayn: "الليالي بيضاء” ee Destoveak ayuu yidhi. "Haa, buugta maad akhridaa? Waa buug aad u qiima badan. Suufigaa Desto wuxuu ahaa foolaadka qoraayada ayey tidhi, buuggan maantan soo iibsaday oo inaan akhriyaan rabaa"
Intaas kadib ayuu yidhi isaga oo gacanta jeebka la galay oo is-dajinaya ayuu yidhi "mid aan kuu sheego: “Nooluhu wuxuu ku taagan yahay waa akhriska iyo fanka. Fanka muddadii u danbeeyey waan darsi jiray se xagga falsafadda baan kaga badanahy. Waxan aad u jeclahay iyana Suugaanta Ruushka. Raggii waawaynaa Doestvisky iyo Tolstoy baan aad u jeclahay qoraaladooda".
Kolkaas uun bay tidhi: "deeqow, ma anaad iga dhex hadlaysaa? Intaa aad sheegtay waa dookhayga suugaanta ruushku wax loo dhiga maleh raggaas aad ka jawaabtayna waxay xagga sare kaga jiraan qoraayada aan indhaha ka qaadin qoraalkooda wiliba Desto oo kan aan hadda sito marka lagu daro dhowr kale baan ka akhriyey buugtiisa. Sug bal Suugaanta soomaalida gaar aahaan heesaha kuwee jeceshay?" Inta uu muusooday ayuu yidhi "Malaha laba qofoo la isu soo diray baynnu nahay oo isku ruux ah" markaas ayuu foolkiisa dhoolacadayn yarna sii raaciyey. Heesaha Soomaalidu waa wada ashqaraar se waxan jeclahay dhowr fannaan ee uu horreeyo dabiibihii nabdiga(qalbiga) dadka Cumur dhuulle Cali iyo Saynab cige waxa sii raaca Faadumo Cabdulaahi maandeeq".
"Sug! Sug! Maxaa tidhi? Cumur Dhuulle aa? Deeqoow maad kaftanka joojiso. Intaa aad sheegtay oo M. Mooge iyo Kuluc lagu daray baan anigu aad u dhagaystaa. Ruuxdayduna ku xasishaa. Alla deeqow, salaama walaal waan habsaamay eh" inta ay tidhi bay wadadeedii sii qaaday. Iyadoo wax ciwaan ah u reebin.
Maanta isaga waa un maalin cusub. Malaha wuxuuba u haystaa maalintuu dhashay. Da'diisu waa 26jir se maanta uun buu foolkiisa lagu arkay dhoolacadayn. Wuxuu ahaa maxbuus nolosha ka dayriyey. Maankiisa waxa ka guuxi jiray mar uun waydaaro adduunakan khariban, Se maanta intaas in lid ku ah buu dareemayaa. Waxaa qalbigiisa sidii danabka ugu dhacay neecow yar oo cishqi ah. Waa markii u horreysay ee uu intaas in la'eg kala sheekaysto qof waxa uu jecel yahay. Se cabbaar ka bacdi waxaa u bilaabmaya mugdigii nolosha iyo cidladeedii. Wuxuu karaahiyeysanayaa dadka inaga farxiya maxay nafteena ugu sii baaqi ahaan waayaan oo uu inooga galbadaan. Mooji! Kolkaas uun buu midhiisa daartay xaggaas iyo buulkii shaydaanka ee uu gali jiray u jahaystay isaga oo nacladaya adduunka iyo waxa ku wareegsan..
Comments
Post a Comment