Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waa abbaaro afartii subaxnimo. Waxaa dhacay eedaankii hore oo wali lama aqiimin. Waxaa soo yara badnaanaya jabaqda iyo sawaxanka dadka, oo dadku gammaanyadii way kasoo wada tooseen badankood. Saacadahan oo kale waxaa socda oo aad lugta iskusii darsanaysaan hooyo jarmaadsan oo quudkii maanta soo shaqaynaysa, shiikh taabacayo oo safka hore ka gaadhaya iyo xayraan caawa dhan qayilayey oo aad indhiisa ka dareemayso gammaanyo.
Noloshu waa safar uun. Kol aad subax kacdid oo aad shaqo tagtid waxad u safartay shaqo; iyo kol aad waxbarasho u kalahdo oo aad safarkaas gasho. Balse saaka wuu ka duwan yahay safarkaasi kuwaas oo dhan. Waxan u baqoolayaa magaaladii aan ku dhashay kuna barbaaray. Waxan u qabaa hilow iyo kalkacayl aragtideeda, waana ka dagi doonaa dhowr saacadood oo aan jidka kusii jiro maahee.
Badanaaba safarka waxan isku sii lug darsan jirnay asxaab ama qaraabo, balse maanta waxaa igu wehiliya SAFIIRKA( waa buug uu turjumay kamaal Marjaan. Waxaana qoray Safiirkii hore ee Mareekanka u fadhiyey Soomaaliya). Safarkan ma cidloon doono oo waxan wataa saaxiib iyo wehel ila jaal ah Inta aan magaalada gaadhayana macidloon doono. haa, dabcan waayo waxan marba dhex jibaaxayaa bog kamid ah xaashiyaas quruxda badan. Runtii waa badwayn inta lagu geeyey oo lagu yiraahdo- DABBAALO waxba ma dhaamo buuggan aan gacanta ku hayo; safarkana igu sii wehelin doona haddii Eebbe wayne qaddaro.
"Buugaagtu waa markabyo kuwaas oo dhex maraya badaha ballaaran ee waqtiga" ~ Francis Bacon.
Bal kawarran adoo gurigaaga jooga oo haddii aad qaarad illaa qaarad isaga gooshaysid, bal qiyaas adoo safar ah markaad buug ku weheliyo?
Goorahan ba waanu dhaqaaqi lahayne, waxaa la sugayaa qof dumar ah oo inbadan soo habsaanatay, waxaa isku soo beegmay dhaqaaqayagii iyo iyadoo markaas iridda isteenka soo istaagtay. Waxa bilaabmay safarkii, Dareewilkiina wuxuu ku haadaaqay waynnu anbabaxaynaa eh hala ogaado. kursiga afraad islaan fadhidayna waxay carabka iyadoo kor u qaadaysa ku celcelisay ducada safarka inoo akhriya.
Safarkii wuu bilaabmay oo dareewulka gaadhiga wuu kaga hadlisiinayey dhowrkii daqiiqaba. Qaar seexday oo khuurinaya, qaar sheekaysanaya iyo anigoo markaas kala furay dhiganihii SAFIIRKA oo kali isugu soo harnay. Waxaynnu hadda galaynaa laba safar mid dhulka ah iyo mid maanka ah.
Waxaynnu cabbaar dul istaagaynaa oo feenanaynaa gobol yar oo kamid ah halgankii SAFIIR PETER BRIDGE. Peter wuxuu safiir ka ahaa hillaaddii inta u dhaxaysay 1984-tii illaa 1986-kii Soomaaliya. Danjire Peter, wuxuu si farshaxanimo ah sheeko-faneed ah u soo tabinayaa taariikhdiisii iyo waayihii dibloomaasiyadeed ee uu kasoo shaqeeyey. Wuxuu muddo soddon sanadood ah kusoo dhex jiray Diploomaasiyadda. Dhiganahan wuxuu ku muujinayaa oo qalinka ula tagayaa xiriirkii ka dhexeeye Mareekanka iyo Soomaliya oo uu si qoto dheer u soo tabinayaa qaabkii uu la dhaqmi jiray Mareekanku Soomaaliya.
Buuggan waxaa turjumay kamaal Marjaan, oo soo koobid kusameeyey. Buuggan wuxuu ka kooban tahay toban T. Waa 325 bog oo bogba bogga kale kuusoo dhiibayo. Lafta dhuuxeeda maan gaarayee ee dusha sare uun baan ka feenfeenanayaa.
Tobanka ciwaan ee uu buugga ka kooban yahay midba mid buu kuusii dhiibayaa oo shamareer baad la dhacaysaa dhowrka sacaado oo aad bugga ku dul soconayso.
Filashadii Xiisaha badnayd. Waa tusmada ugu horraysa ee albaabka u furi doonta Safiirka.
Wuxuu si quruxbadan sawir farshaxanna leh inoo dhex gaynayaa Safiirku xaaladihii kala danbeeyey ee inta uu joogay Roma iyo Safiirnimadii Soomaaliya. Wuxuu cutubka kowaad ku muujiyey dabayl halmar kaga timi xaggaa iyo waashiton badashay qorshayaal badan oo aan qalinka ku duugay. Dabayshaasi waxay galisay rajo iyo hanashada dhul cusub iyo qaarad cusub inaan dhex tagi doono.
Safiir Petre, Wuxuu carabka ku dhiftay hammigi ugu wayn uu laahaa inuu marka uu banneeyo xilka uu ka hayo Roma jeclaysan lahaa in loo magcaabo Danjiraha Czechoslovakia u fadhiya Mareekan-ka; Kaas oo uu aad danaynayey siduu uu u hanan lahaa booskaas isagoo is bidayeyna inuu leeyahya aqoonteeda.
Wuxuu sawir farshaxanimo ah ka bixiyey maalintii u horraysay ee dabaysha ka imanaysa waashiton ( Washington) sida uu hawigu ahaa.
[...] "Maalinimo Axad oo jawiga aad u qurux badan yahay isagoo ka daawanaya Danjire Petre, magaalada waxaa soo yeeray teleefanka waxaana kaga soo baxday xoghayntiisii Maria lo Canto (oo ahayd gabadh u dhalatay Boston) ayaa u sheegtay in Robert Oakley uu kalasoo hadlayo waashiton (Robert Oakley, waa Safiirkii xilligaas Mareekan u fadhiyey Somaliya).Danjire Robert iyo Danjire Petre waxay ku balan sanaayeen marka uu muqdisho kusii socdo oo uu safarka Washington soo dhammaysto inuu kusoo maro Talyaaniga Robert.
Mareekanka iyo Talyaanigu Soomaliya waxay ka lahaayeen dana waawayn. danta mareekanka waxay ahayd mid istaaraatiijiyadeed taasoo ka dhalatay dagaalkii qaboobaa; halka Talyaanigu Somaliya ka lahaa dan taariikheed. Dhowr sakimo oo ay khadka telefanka kuwad hadlaayeen labadoodu waxa uu sheegay inuu banayn doono danjiranimada oo uu ka tagi doono. Arrintaas aad bay u taabatay, Petre aad buu u jeclaysan lahaa hanashada booskaas.Qorshaha Petre markii hore wuxuu ahaa inuu doonto danjaranimo dalka Czechoslovakia. Balse Soomaaliya oo ahayd markaas dal wayn oo haddana Sabool ah aad buu u xiisayn lahaa shaqadaas inuu helo. Waa halka ay ka bilaabmtay hayaanka iyo geedi socodka uu ku tagu doono Afrika isagoo ah Safiir markan".
Waxan ku warhelay gaadhiga oo istaaagay iyo dadkii oo hurdada kasoo baraarugay. Waa 9-kii subaxnimo cadceeddu waxay si xawli ah ugu dhacaysa daaqadda iyadoo mararka qaarna inadhaha kaa cawaraysaba. Soo quraacda oo soddon mirir kadibna aynnu safarka sii wadanno ayuu yiri dareewlkii gaadhiga inta uu furayaasha ka saaray gaadhiga. Yaab! Ma lix saacadood baan soo soconay ayaan is kula warramay? Dadkuna waxayba ka cabanayaan daal, halka aan anigu dareemayo raaxo iyo inaan usoo socday xaafaddii oo kale..Warka yaana kugu badani eh ugu danabayn waan gaaray magaaladii jacaylka iyo muxibbada aan u hayey aniga iyo Safiirkii.
Comments
Post a Comment