Skip to main content

Posts

Showing posts from 2021
Galabta wuxuu u soo baxay bal si uu ugu nasto qolkii yaraa ee uu maxbuuska ku ahaa. Afartii gidaar ee nuuradda cadayd ku wareejisnayd qaati buu ka istaagay iyo jiingaddii xumayd ee daxashay. Waxa uu daawanaya quruxda cimilada iyo isbedelka jawigu samaynayo. Wuu ku daalay qolkii yaraa ee aad moodi jirtay qol shaydaan ku lagdamo. Wuxuu aad ula dheegag san quruxdan ay cimiladu isku marxabaynayso. Dabeecaddu waxay inagu bishaa farxad ayuu hoosta kaga nuuxsanaya, se badanka dadka ma garawsana ayuu haddana sii raaciyey gunuunixiisii. Waxaa u daaran heestii Saynab Cige "Kala Dooro Waayaha". Gacanta bidixna waxa uu ku haystaa midh sigaaro oo uu isku dhaafinayo cidlada meesha. Horaba waxay indhahiisu qabanayaan qof muuqiisu u jiro dhowr mitir, una soo socda xagga uu taagan yahay. Waxay indhahiisu sida jugta danabka oo kale halmar ugu dhacay laabta (xabadka) qof aanan wili foolkiisa (wajigiisa) sifiican u muuqan. Waa qurux lagu ladhay qurux, waa jidh kuusan iyo caman aad mooddo buu...

Rajjo!

Saaxiib macaan suldaan..... Maxaa suldaan nolosha ku haya oo u jidaysiiyaa? Ma jacaylka? Quruxda? Buugta? Muusiigga? Mise waa ruuxda? Ruuxda ay adagtahay inaan jawaabo u helno kumanaanka shaki ee ku xeeran awgeed? Mar haddaad fariintan akhrineysid waxaan dareemayaa in jawiga guud wanaagsaneyn. Lakiin waxaan hubaa inay murugaduna ay tahay inay ku jirto nolosha qofka; si uu ugu hiloowo nabadda xasiloonida iyo nolol midab leh.. Nolosha maalin walba ma ahan mid u iftiinta hal qaab iyo isla faahfaahintii shalay, arimuhu sida ay yihiin ma ahaanayaan had iyo jeer. Wajiga koonkana waa mid gadgaddoon badan, qayb walba oo jiritaankiisa kamid ahna waa la cusboonaysiiyaa daqiiqad kasta; innaguna sidaas oo kale ayeynu nahay! Aniga, adiga iyo dhammaanteenba caalamku dib ayuu noo qaabeeyaa marwalba sida cajiinka dhoobada, wuu na shiidaa kadibna noo adkeeyaa si aan ugu soo baxno nooca ugu quruxda badan. Waa inaan la kulanaa gubasho; si ay inoo nadiifiso oo u ifno.. in la baabi'yo mugdiga ...

MURUGOOY-DAYAAN.

“Murugada ma aqoon balse caawa gabbal baas baa ii dumay. Waa marka aan xaqiiqsaday in jiraalka iyo qaddarku ay isu kaa dhiidhiibayaan iyaga oo aan dan iyo heello toonna kaa lahayn.”   Weli waxa aan si dhacadiid ah ugu jiifaa furaashkaygii, oo aad mooddo in uu iga cabanayo. Werwerka, culayska iyo walba-haarka joogtada ah ee aan la dul imaaddo, mar kasta oo aan adduunyadan qarriban ku soo daalo, waa mid iga ma faaruqaan ah—noloshan cakiranna iiga wehel yeela. Mar waa aan qosolaa – Muusoodaa- marna muruggo ayaan la madoobaadaa, ka dibna—baalasha xasuusta ee maalinkaas rogaa.   Ma aniga ayaa ay dhibaatooyinka jiraalka oo dhammi, isugu kay soo habar wacdaan? Mise, uunka oo dhan ayaan tan kala simanahay? Mooji! Kollay waa wax aniga igu gaar ah.    Saacaddu gawda ayey haysaa, oo waa abbaaro laba iyo tobankii habeennimo. Ma jiro Aadane aan hurdin—marka laga tago aniga iyo naftaydan saamalaylku diley. Guuxa mashiinadda korontada u daarra magaalada ee ay dabayshu maqalka dhaga...