Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2020

CIIRISI-LA'AANTII-DUNIDA!

Kolkay cadceeddii galbato dharaartuna habeen isu beddeshay ee indhaha la is-wada galiyo. Laba kastana ay laabta iyo lugaha is dhaafsadaan; isaga waxa u bilaabma muran iyo yuus. Sacadaha kooban ee ka hadhay hiirta hore ee subaxa waxaa u bilaabma su'aalo iyo naclad is barkan. Nacladda iyo guraabaska waa mid bilihii u danbeeyeyba dushiisa laga akhrisanayey. Yuuska iyo dagaalkan ka dhex aloosan nabdigiisu wa kuwa hadday dunida isu tagaan aynna waxba ka qaban karin. Caawa nacladdu si bareer ah bay uga daadanaysaa. Qofkasta oo soo agmara wuu nacladayaa. Caawa si wacan buu u jeclaan lahaa inay halkaa soo marto tii xumayd, ee uu baarka la tuman jiray, dhowr jeerna ka dacwaysay saldhigga; iyo kii xumaa eh wadaadka ahaa oo wacdiga aan u aabba yeeli jirin dhagaha kaga akhriyi jiray. Bah-yoofka, diifta iyo sarkhaanimadu waa waxa uu kaga duwan yahay bulsha waynta ku dhaqan tuulada. Waa ka dhex soocan yahay oo talaabaduu qaadaba waxaa la isku warsanayaa waakaa sarkhaankii!! Inta hadallo ka...

SOCDAALKII XAMAR

  Waan filayey inuu ka duwanaanayo safarkani kuwii hore. Oo sababtee baanu uga duwanaanayn? Waxad saacado yar kadib cagta dhigaysa magaaladii luulka ahayd. Magaaladii liqi jirtay qariibka. Xaruuntii kulmin jirtay Soomaali oo idil. Horta ma xasuusatadaa shan iyo toban sanno ka hor marka aad BBC ka maqli jirtay Caasimadda umadda Soomaliyeed.. Dhowr iyo toban magaalo oo aan isaga gooshay sida uu iga duwan yahay safarkan aan maanta ku tagi doono muqdisho; waa mid aanan qiyaasi karin. Malaha naftana waxan u sheegay inaana uga jawaabi karin waxa aan intaasoo hillow ah ugu hayo meel aanan ku dhalan, cid xigaal ah na iigaga horrayn.. Waxan Aadan Abdulle Cismaan cagta soo dhigay marka ay cadceeddu kusii anbanaysay godkeeda. Neecowda Xeebta liido kasoo carfaysa waxan ka dhex dareemayey anoo cirka dul haahaabaya oo aananba wili cagta soo dhigin Muqdisho. Inta aan diyaaradda soo saarnaa waxan isku dhex baranay diyaaradda Siraad oo ka timi Ethopia soona martay Hargaysa balse Muqdisho u dh...

ILBIDHIQSIGII U DANBEEYEEY!

   Caawa wuxuu maal adduun haysto wuudhaafsiisan lahaa cabbaar in laga dulqaado cidhiidhigan iyo warwarkan dul fuushan. Markasta uu is yiraahdo kursiga sariirta u dhow ku fariiso, waxaa dhabarkiisa uu kadareemaya culays sida; buur dusha laga saaray oo kale. Caawa wuu jeclaysan lahaa in malagga nafta qaada daaqadda kasoo galo, si uu nafta uu uga qaado. Wiliba wuu ku farxi lahaa. Haddaanuba u mahadcelin. Gacmuhu dhaq-dhaqaaq way daayeen, qoortuna maba nuuxnuuxsanayso. Luguhuna tamarba way joojiyeen. Dhuuntiisa qalaylkeeda waxad is oronaysaa dhowr gu' biyo is ma arag. Caawa qof samada kasoo dhaca oo iska soo gala gurugiisa aad buu jeclaysan lahaa, si uu galaas biyo ah ugu dirsado.     Caawa wuxuu is waydiinayaa meeye kuwii saacadahan oo kale halkan dhalooyinka Wiskiga ah kuwada cabbi jirteen? Meeye hablihii badnaa ee gacantaada isku qabsan jiray? Meeye kuwii badnaa oron jiray xigtaynu nahay? Khasnadda sare ee maal adduun ka buuxdana caawa lugo iyo gacmo maxay u yeelan w...