Kolka aan xagga tuulada kasoo yara baxnay gaadhiguna dhaafay kaantaroolka, mid xagga danbe fadhiya ayaa kor u qayliyey isagoo leh "dareewal gaadhiga xawaaraha kordhi oo meesha naga dadaji, waa casar liiqe". Kolkii hore cidina hadalkiisa umay jawaabin oo meesha waa la isku cusub yahay, dadka qaarkiina way mashquulsan yihiin; mid buug akhriyaya iyo mid xadhig-dhagood dhagaha ugu jiro bay isugu jireen. Mardanbe waxaa cod dheer kasoo yeeray qaybta dhexe ee kuraasta. Waa gabadh xijaaban aan se u maleeyey inay wadaad ahayd. Waxay dhowr jeer kusoo celcelcelisay "war ILAAHAY ka baqoo hana halligin" Dareewalku dhag jalaq umuu siin hadalkeedii, sababta gaadhiga waxaa ka baxaysa qasiido (mawliid) Nabi ammaan ah. Kolkii hore marka uu dareewalku hees geeyey qaylada gaadhigu way is-qabsatay oo muran baa ka dhacay, waxaana lagu heshiiyey in waxkale lagu badalo heesta. Ugu danabyna waxaa la geeyey Qasiido( nabi ammaan). Inanta xijaabka sidata hoosta ayey ka karhaysa ama dh...
"Waxa kaliya ee aan odhan karo aniga ayay qeexitaan iga bixinaysa waa inaan jeclahay in aan wax barto. Waxa aan ka helaa farxad waxyaabaha cusub. Waxa aan gataa buug ka badan inta aanan akhrin karo ama dhammayn karo" ~Satya Nadella